Sweden: Qorshaha siyaasadeed ee musharax C/risaq Maxamed Xuseen.
Kusoo dhowaada waraysi aan la yeelanay Siyaasi, musharax C/risaq Maxamed Xuseen. Waraysiga waxaa uu C/risaq ku sharaxayaa barnaamijkiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu doonaayo inuu u qabto dadka soomaaliyeed u qabto haddii la doorto. Waraysiga waxaa qaaday Sharmaake cumar iyo Daahir saciid Muuse.
Su`aal: Waa kuma C/risaq Maxamed Xuseen, si ay kuu bartaan dadka aan ku aqoon?
Jawaab: Sidaad sheegtayba magacaygu waa cabdirisaq Maxamed Xuseen. Aabahay waxaa uu ku magacdheer yahay ina xuseen dheere. Annigu waxaan 1967-dii ku dhashay degmada Iskushuban ee Gobolka Bari ee dalka Soomaaliya. Anniga oo aad u yar ayaan imid magaalada Muqdisho, caasimada dalka soomaaliya, halkaas ayaanna ku barbaaray, kuna qaatay dhamaan waxbarashadeydii hore.
Su`aal: Warbixin kooban ka bixi heerka tacliintaada iyo kan khibradeed?
Jawaab: Waxbarashada dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga sare waxaan kusoo qaatay magaaalada Muqdisho. Waxaan ka qaybqaatay shaqadii qaranka( National service) ee ardaydu mari jirtey kolka ay dugsiga sare dhameeyaan. Waxaan tababar ciidan ku qaatay xaruntii madaafiicda Goobta ee duleedka magaalada Baydhabo.
Shaqadii Qaranka ka dib waxaan bilaabay mahadkii maamulka iyo maareynta ee ”SIDAM” la oran jirey, halkaas oo aan ka dhigtay cilmiga maamulka iyo maareynta iyo weliba dhaqaalaha. Sanadkii saddexaad ee ugu dameeyey anigoo dhiganaaya ayaan kasoo dhoofay magaalada Muqdisho iyo dalkii soomaaliya. Dhanka shaqada waxaan annigoo da`yar macalinimo ka bilaabay iskuul ingiriiska lagu barto oo si gaar ah loo lahaa. Waxaan ka mid ahaa mulkiilayaasha iyo barayaasha iskuulka. Iskuulka waxaa la oran jirey Dugsiga luuqadaha ee Ramadan ( Ramadaan school of languages) waxaana uu ku yaalay degmada hodon. Dalka Iswiidhan kolkaan imid waxaa aan dib u bilaabay tacliintii, waxaana ugu horeyn qaatay shahaadada kowaad ee jaamacada (Bachelor’s degree) ee dhinaca dhaqaalaha. Ka dibna waxaan ku daray shahaadada labaad ee jaamacada (master’s degree). Takhasuskeyguna waa dhaqaalaha , maamulka iyo maareynta. Ka dib markaan wakhti ka shaqeeyey arimaha dhaqaalaha ayaa waxaan markale galay jaamacada macalinimada si aan shahaado jaamacadeed oo macalinimo aan u helo. Jaamacada macalinimadana waxaa aan dhameeyey 2009-kii. Waxaana haatan ku shaqeeyaa macalinimo, anigoo dhiga maadada xisaabta iyo cilmigiga bulshada. Waxaan kaloo aan maareeye ka ahay shirkad aan anigu sameeyey ee la yiraahdo Across Cultures. Shaqooyinka shirkadu qabatona waxaa ka mid ah xisaab xirka shirkadaha, talasiinta shirkadaha ee dhinaca dhaqaalaha iyo jeedinta khudbadaha kala duwan (lectures) ee ku wajahan dhinaca wacyigelinta bulshada.
Su`aal: Goormaad ku biirtay siyaasada dalka sweden? Maxaase kugu dhaliyey?
Jawaab: Siyaasada dalka Iswiidhan waxaa aan si firfircoon ugu soo biiray sanadkii 2005-tii. Balse ilaa soomaaliya ayaan aad u xiiseyn jirey arimaha siyaasada. Kolkaan muddo si qotadheer ula socdey siyaasada dalka Iswiidhan ayaan go`aansaday inaan ku biiro mid ka mid ah xisbiyada dalka. Waxaan eegay qaabka aan doonaayo in bulshadu noqoto, ka dibna waxaan raadiyey xisbi aanu isku fikir ka nahay dhinaca arimaha bulshada iyo horumarinta aadanaha. Xisbiga shaqaalaha dalka sweden ( socaildemokraterna) ayaa buuxiyey shuruudihii aan watay iyo nidaamkii siyaasadeed ee maskaxdayda ka guuxaayey. Kulamo badan ka dib waxaan noqday xubin joogto ah ee xisbiga ka tirsan. Sababaha igu dhaliyey inaan ku biiro xisbiga waxaa ka mid ah, anigoo doonaayey inaan saameyn siyaasadeed yeesho isla markaasna fikradahayga aan ku biiriyo xisbiga.Taasi waxaa ay sahleysaa inaan ficil u rogo fikradaha siyaasadeed si ay u noqdaan kuwo dhaqan gala oo bulshadu ka faa,iideysato. Waxaa kaloo igu dhaliyey inaan xisbigaan ku biiro, ka dib markaan arkay in dadka soomaaliyeed badankood ka muuqan siyaasada dalka Iswiidhan. Mar walabana iyagu ay yihiin kuwa laga hadlo ee laga doodo, iyadoo weliba aaney inta badan soomaalidu goobjoog ahayn. Waxan in badan dhegeystey doodaha xisbiyada ee ah waxaas ayaa soomaalida u fiican, waxaas baa u xun, waxaan bey ku qaldan yihiin, sidaan ayey shaqo ku heli karaan, sidaan bey wax kubaran karaan, qaabkaan ayey bulshada u dhexgeli karaan iwm. Doodahaasi kolka ay dhacayaan, soomaalida oo ah kuwii laga hadlaayey waa ay ka maqan yihiin goobta dooda iyo falanqeynta iyo go`aaminta. Haddaba waxaan go`aansaday inaan siyaasada si toos ah ugu biiro oo aan buuxiyo booskaas banaan ee soomaalidu ka maqan yihiin. Waxaa kaloo aan doonayaa inaan dhalinyarada iyo dadka soomaaliyeed aan tusaale wanaagsan iyo wada-fure u noqdo si ay dad badani ugu dhiiradaan ka qaybgalka siyaasada dalkan sweden. Waana ku guuleystey arinkaas oo maanta waxaa jira dad badan oo soomaaliyeed oo siyaasada iswiidhan heer fiican ka gaaray.
Su àal :Bisha septembet 14-keeda waxaa iswiidhan ka dhaceysa doorashadii guud ee qaranka, adiguna waxaad tahay musharax. Xilkee ayaad u tartameysaa? Maxaadse nooga sheegi kartaa qorshahaaga siyaasadeed ee ku wajahan dadka soomaaliyeed? Maxaad u qabaneysaa soomaalida sweden haddii lagu doorto?
Jawaab: Waxaan u tartamayaa xubin xildhibaan ee baarlamanka qaranka iyo kan degmada Eskilstuna ee aan deganahay. Liiska xisbiga shaqaalaha ee baarlamaanka degmada waxaa aan ka jira meel aad u wanaagsan. Tartan dheer ka dib waxaan liiska kaga jiraa lambarka 9`aad, taas oo macnaheedu yahay inaan ka mid ahay tobanka qof ee ugu horeeya ee xisbigu doonaayo iney baarlmaanka degmada soo galaan ayna qabtaan jagooyin sare doorashada ka dib. Boos fiican ayaan kaga jira xisbiga walow aan kor usii kici karo haddii ay dad badani magacayga calaamadiyaan, ayna aniga i doortaan.
Liiska musharaxiinta baarlmaanka qaranka waxaan kaga jiraa meel dhexe balse haddii ay dad badani ii codeeyaan waxaan helayaa fursad ii suurto gelisa inaan dad badan dhaafo, isla markaasna aan soo galo baarlamaanka qaranka.
Qorshaha siyaasadeed ee xisbiga shaqaalahu waa mid aad u balaaran oo taabanaaya dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sida dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, shaqada, isdhexgalka, deegaanka, arimaha dibada iyo meelo kale oo badan. Saldhiga siyaasada xisbiga waa in bulshadu isu naxariisato ( solidaritet), in qofka liita kor loo soo qaado oo aan cidla looga tegin, sida xisbiyada qaar ay doonayaan. Xisbigu waxaa uu si qotadheer uga shaqeeyaa in laga hor tago abuuritaanka bulsho kala sareysa oo dabaqaad kala duwan ah. Waxaa uu xisbigu kasoo horjeedaa nidaamka ah in qofkii dhaqaale lihi heli karo wax badan, halka qofka danyarta ah , meel cidla ah looga tago. Kalasaraynta dhaqaale iyo dabaqaadka kala duwan ee dhinaca bulshada waxaa ay samaysmeen siddeedii sano ee ugu dameysey ee uu dalka xukumayey xisbiga garabka midig ee Moderatka loo yaqaan. Arimaha ugu muhiimsan ee aan doonaayo inaan wax ka qabto haddii la i doorto waxaa ka mid ah:
Arimaha Tacliinta: Muddo ka badan 15 sano ayaan ku dhexjirey arimaha waxbarasahda, waxaana u leeyahay khibrad dheer.Guud ahaan bulshooyinka horumarka sameeyaa waa kuwa marwalba xooga saara arimaha tacliinta. Aqoontu waa tan qofka dhista una suurtagelisa inuu helo fursado wanaagsan oo horumarineed ee ku wajahan qaybaha kala duwan ee nolosha. Waxaan ka shaqaynayaa inaan abuurno iskuulo ay dadku u siman yihiin, arday walbana uu helaayo waxa uu xaqa u leeyahay. Waxaan doonayaa in maalgelin dheeraad ah lagu sameeyo iskuulada natiijadoodu hooseyso. Waxaan ka shaqaynayaa in tayada macalimiinta iskuuladaas wax ka dhiga kor loo soo qaado. Ujeedadu waxaa weeyaan in macalimiinta ugu wanaagsan, uguna khibrada badan laga shaqaaleeyo dugsiyada ay tacliintoodu hooseyso. Dugsiyadaan aan ka hadlaayo ee aan doonaayo in maalgelin dheeraad ah lagu sameeyo waxaa u badan ardayda ajaaniibta ah ee ay soomaalidu ugu horeyso. Qorshahaan kolkii uu hirgalo waxaa ka faa`iideysan doona arday badan oo soomaaliyeed kuwaas oo heli doona macalimiinta ugu fiican dhinaca aqoonta iyo khibrada.
Waxan kaloo doonayaa kolka dowalada dhexe ay maalgelineyso iskuulada ay tixgelin dheeraad ah siiyo iskuulada ay baahida dheeraadka ahi ka jirto si kor loogu soo qaado. Waaxda waxbarashada ee degmada aan deganahay waxaa aan ka dhaadhicin doonaa in iskuulada ay ku badan yihiin ardayda dhowaan iswiidhan timid la siiyo maalgelin dheeraad ah, si heerkooda tacliimeed kor loogu soo qaado. Ardaydaas waxaa ugu badan ardayda soomaalida ah kuwaas oo badankood ka yimid dalkii soomaaliya, mana aaney helin tacliinta aasaaska ah ee ardayda la da`da ahi ay horey u qaateen. Haddii aan codkaaga helo waxaan aad ugu dadaali doonaa in tirada ardayda fasalada dhigata la xadido si macalinku uu fursad ugu helo inuu arday walba caawino. Tirada ardayda dhigata fasalka kolka la yareeyo waxaa ka faa`iideysan doona arday badan oo u baahan in kor loo soo qaado, kuwaasna waxaa ka mid ah arday badan oo soomaali ah.
Haddii la doorto xisbiga aan ka mid ahay ee shaqaalaha waxaa iskuul walba aan ka hirgelin doonaa qorshe caawinaadeed ee dhinaca maadooyinka “ Läxhjälp för alla elever”. Arinkaas waa mid u gaar ah xisbiga shaqaalaha,waana mid uu kaga duwan yahay xisbiyada kale. Tusaale ahaan xisbiyada garabka midig ee haatan talada Iswiidhan hayaa waxaa ay doonayaan in waalidku uu lacag ku bixiyo macalimiin caawinta ilmaha. Taasna ma aha arin ay dadka badankood awood u leeyihiin, waxaa keliya oo ka bixi kara dadka dabaqada sare ee lacagta haysta.
Xisbiga shaqaalaha ( socialdemokraterna) waxaa uu doonayaa in caruurta dhamaantood ay helaan caawinaad dheeraad ah oo dhinaca maadooyinka ah, weliba ay heli doonaan caawinaad afkooda hooyo ah ee dhinaca maadooyinka haddii ardaygu uu ku hadlo luqad kale. Barnaamijkaan caawinaada ardayda ee weliba afkooda hooyo loogu sharaxaayo maadooyinka waxaa ka faa`iideysan doona guud ahaan ardayda ajnebiga ah gaar ahaana ardayda soomaaliyeed oo aan badankood haysan cid guriga kasoo caawisa marka laga hadlaayo maadooyinka laga dhigo iskuulada. Waxaan barnaammijka siyaasadeed ee xisbiga ka mid ah in dhamaan ardayda la baro dabaasha, iyadoo lacag dheeraad ah la gelinaayo ardayda Iswwidhan ku cusub ee aan dabaasha aqoon. Qorshahaan aad baan ugu dadaali doonaa inuu hirgalo. Waana mid ay si gaar ah faa`iido uga heli doonaan arday badan oo soomaaliyeed. Sida aan la wada socono waxaa sanad walba biyo ku dhinta oo ceelashu laqaan caruur badan oo soomaaliyeed, sababtuna ay tahay caruurtaas oo aan aqoon dabaasha. Arinkaas insha allah waxaa uu noqon doonaa mid wax laga qabto si caruurtu dhibtaas uga badbaadaan una bartaan dabaasha.
Horumarka qofku uu ka gaaro tacliinta waxaa ay sahashaa inuu shaqo helo, islamarkaasna noqdo xubin tixgelin iyo sharaf ku leh bulshada dhexdeeda. Xiriir weyn ayaa ka dhexeeya guuldarada ardayda ee dhinaca tacliinta iyo helitaanka shaqo. Qofkii tacliin fiican leh waxaa u sahlan inuu shaqo helo, qofkii aan tacliin lahayna waxaa ku adkaan doontaa inuu shaqo helo.
Arimaha Shaqada : Shaqadu waa aasaaska wax walba. Shaqadu waxaa ay qofka siisaa dakhli dhaqaale iyo kalsooni qof ahaaneed. Waxaa qofka shaqeeyaa dareemaa inuu yahay mid bulshada muhiim u ah oo loo baahan yahay. Qofku kolka uu shaqeeyo waa mid cashuur bixiya, kana qaybqaata horumarka dalka sida tacliinta iyo caafimaadka. Sanadihii ugu dameeyey ee ay dowlada garabka midig dalka maamuleysey waxaa aad usoo batay dadka aan shaqada haysan. Dhibka ugu weynina waxaa uu ku dhacay dadka tacliintoodu ka yar tahay heer jaamacadeed iyo weliba dadka soogalootiga ah. Waxaa kaloo ay shaqo la`aantu aad ugu badan tahay dadka dhalinyarada ah. Haddaba xisbiga shaqaalaha ee aan musharaxa u ahay waxaa uu xooga saari doonaa, qorshe wanaagsana u hayaa sidii loo baabi´in lahaa shaqo la`aanta. Sidaan horay usoo sheegnay tacliinta dugiyada hoose/dhexe iyo dugsiga sare ayaa lagu samayn doonaa maalgelin weyn si dhalinyarada looga soo dhiso aasaaska hoose. Waxaan kaloo la abuuri doonaa “dugsiyo xirfadeed” oo laga barto xirfado kala duwan oo uu qofku si sahal ah ugu shaqysan karo. Barashada xirfada ayaa ugu badnaan qaadan doonta ilaa laba sano. Qofku waxaa uu baran karaa ranjiile, alxanle, nadiifiye, dareewal, kakaaliye waayeel, turjumaan iyo kuwo kale oo badan. Qorshahaan waxaa wax ka baran doona dad badan oo soomaali ah oo aan lahayn xirfado hore ee ay ku shaqaysan karaan.
Waxaa kaloo jiri doona oo la hirgelin doonaa barnaamij kale oo balaaran oo loogu magac daray “ kor u qaad tacliintaada”( kompetenslyft ). Qorshahaan oo lacag badan lagu maalglein doono ayaa waxaa ka faa`iideysanaaya qof kasta oo horay wax si uga noqdeen dhinaca tacliinta oo hadda doonaaya inuu dhamaystiro waxii horay u dhaafay ama qof xirfad hore lahaa oo shaqo ku waayey oo haatan doonaaya inuu xirfad kale barto. Barnaamijkaan waxaa qayb ka ah xoojinta barashada luuqada iswiidhiska ee dhinaca xirfadaha. Waxaa kaloo jira barnaamij wacyi gelineed oo ku wajahan shaqo bixiyayaasha si ay uga fogaadaan kala faquuqa iyo kala sooca dadka shaqo doonka ah. Waxaa la doonayaa in qof walbaa uu shaqo ku helo tacliinta, khibrada iyo xirfada uu leeyahay iyadoon la eegeynin halka uu qofkaasi asalkiisa kasoo jeedo. In dhamaan dadka shaqadoonka ahi shaqo helaan, kuwa aan xirfada lahayna xirfad loo yeelo ayaa ah aasaaska qorshaha shaqo abuurka ee xisbiga shaqaaluhu hirgelin doono haddii la doorto 14 september 2014-ka.
Haddi aan galo Baarlamaanka Qaranka: Waxyaabaha ugu horeeya ee aan ka shaqaynaayo waxaa ka mid ah in dadka soomaalida ah sida ummadaha kale ee dalka ku nool, dhalashada Iswiidishka lagu siiyo muddo shan sano ah. Wakhtigaan xaadirka ah soomaalida iyo laba wadan oo kale oo keliya ayaa dhalashada Iswiidhan ku qaata 8 sano. Dhamaan dadka kale ee ajaaniibta ahi waxaa ay ku qaataan 5 sano. Marka waxaan doonayaa in soomaalida ummadaha kale lagala mid dhigo oo baasaboorka dhalashada lagu siiyo shan sano. Soomaalida waxaa sabab looga dhigaa in aaney la imaan karin waraaqo aqoonsi ah oo ay bixisay dowlad soomaaliyeed, taasina ay keentay in dowlada iswiidhan ay go`aamisey in dadka soomaalida ah lagu siiyo dhalashada kolka ay dalka joogaan muddo 8 sano ah. Haddaba maadaama ay maanta dalka soomaaliya ka jirto dowlada rasmi ah oo aan ku meelgaar ahayn, waxaan doonayaa inaan dowlada iswiidhan iyo baarlamaankaba ka dhaadhiciyo in la aqoonsado waraaqaha aqoonsiga ee ay bixiso dowlada soomaaliyeed. Taasi waxaa ay horseedi doontaa in soomaalida dhalashada lagu siiyo shan sano. Arinkaasi waaxaa uu qorshahayga siyaasadeed kaga jiraa meel sare, waana hirgeli doonaa insha allah, haddii aad codkiina i siisaan. Qofka oo qaata baasaboorka Iswiidhishka ah waxaa ay leedahay faa´iidooyin badan oo ay ka mid yihiin:
In qofka dhalashada iswiidhishka haystaa uu ka qaybqaadan karo doorashada baarlamaanka
Inuu dibada wax kusoo baran karo isagoo helaaya dhaqaale ay dowlada iswiidhan bixiso
Inuu si sahal ah aduunka intiisa badan ugu safri karo
Inuu wakhti badan dalka ka maqnaan karo
In arimo badan oo sir ah oo dhinaca difaaca dalka ah lagu aamini karo
Waxaan kaloo ka shaqeyn doonaa in si fudud loo middeeyo qoysaska soomaaliyeed ee kala maqan, gaar ahaan qoysaska aan wax caruur ah isu lahayn. Waxaan kaloo ka shaqayn doonaa in guud ahaan meesha laga saaro shuruudaha guracan ee qoysaska soomaaliyeed lagu soo rogo kolka ay doonayaan iney isu dacwoodaan. Tusaale ahaan shuruudaha ay ka mid yihiin waa inaad muddo isqabteen iwm ayaa ah kuwo xaqdaro ah oo u bahan in wax laga qabto.
Kaalmada soomaaliya: In dalka somaaliya loo fidiyo kaalmo aqooneed ( know how), iyadoo xooga la saaraayo gobolada soomaaliyeed ee nabadu ka jirto. Waxaan dowlada Iswiidhan iyadoo kaashaneysa midowga ku dhiiri gelin doonaa in dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Iswiidhan ee leh xirfadaha gaarka ah ay muddo sanad ilaa 3 sano ay kasoo shaqeeyaan dalka soomaaliya iyadoo qarashka ku bixi doona ay bixineyso dowlada iswiidhan iyo midowga yurub. Xirfadleydaas waxaa ka mid ah dhaqaatiir, macalimiin iyo noocyada kala duwan ee injineernimada. Waxaa lagama maarmaan ah in qofka xirfad-laha ahi uu isagu doonayo oo diyaar u yahay inuu dalkii hooyo aado oo uu muddo ka soo shaqeeyo. Qorshaha noocaan ahi inbadan ayuu ka fiican yahay kaalmada loo bixiyo lacag ahaan, taasoo aan inta badan aan daboolin baahidii loogu talagalay iney wax ka qabato.
Qoraal dheer oo aan ku sharaxaayo sida barnaamijkaan xirfadleydu dalkii hooyo kaga soo shaqaynayaan ayaan diyaarshey , waxaana doonayaa in anigoo kaashanaaya xisbigayga aan hirgeliyo , si dadka iyo dalka soomaliyeed uga faa`iideystaan. Dhakhtar Taxi ama Buss wada waa faa`iidada daro ,waana xirfad qaali ah oo maalin walba duugoobeysa oo dhumeysa. Marka waxaan doonayaa in dhakhtarka Taxiga uu ku bedesho shaqadii uu soo bartay ee dhakhtarnimo, uuna wakhti la isla gartay ka soo shaqeeyo meelaha nabada ah ee dalkii soomaaliya iyadoo ay Mushaharka iyo deegaankiisaba dowlada sweden iyo midowga yurub bixin doonaan. Waa howl adag oo u baahan in aad looga shaqeeyo balse hadii aad codkina i siisaan oo aan baarlamaanka galo waxaa balan ah inaan arinkaas ka shaqeeyo marwalbana aan dadka soomaaliyeed la socodsiiyo meesha wax marayaan iyo wax inoo hagaagey.
Su`aal: Maxaad kula dardaarmeysaa guud ahaan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Iswiidhan?
Jawaab: Dalkaan waa aynu nimid ,waana joogeynaa. Inta inaga midka ah ee si rasmi ah dalkii soomaaliya ugu noqoneysaana waa yaryihiin. Sidaas darteed waxaa muhiim ah inaan qayb buuxda ka noqono dalkaan oo aan fulino waxii waajibaad ah oo laynagu leeyahay si aynu u helno waxyaalaha aan xaqa u leenahay. Waxaa lagama maarmaan ah inaan ka qaybqaadano siyaasada dalka si aan saameyn ugu yeelano go`aamada la gaaraayo. Haddii aynu weligeen marti ka ahaano dalkaan waxaa sahlanaaneysa in go`aamo adag oo dhaqankeena iyo sharafteena wax u dhimaaya la gaaro, taasina ay dhaliso iney adkaato inaan dalkaan ku noolaano. Sidaas darteed waxaan dadka soomaaliyeed ku dhiirigelinayaa ,kulana dardaarmayaa iney codkooda dhiibtaan, ayna siiyaan qofkii iyo xisbigii ay barnaamijkiisa siyaasadeed ku qancaan. Waxaan soo bandhigay qorshahayga siyaasadeed , waxaana idinka codsanayaa inaad codkiina i siisaan.
Mahadsanidin .
C/risaq Maxamed Xuseen
Eskilstuna,sweden.
habdirisak@hotmail.com.