CIIDAMADA BOLIISKA KENYA EE LADAGAALANKA ARGAGIXISADA AYAA WAXA LAGU EEDEEYAY XADGUDUB.
Hay’adaha udooda xuquqda adanaha ayaa sheegay inay hayaan cadaymo xood badan oo sheegaya in boliska Kenya qaybta ladagalanka argagixisada ay gaysteen tacadiyo ka dhana binu adamka, hay’aduhu waxay ku eedaynayaa boliska dilitaano iyo dad ay wateen oo muuqoodii dib loo arag.
Warbixin ay soo saartay hay’ada xuquuqda binu aadamka malintii Isniinta ayaa waxay ku sheegatay,in intii u dhaxaysay bishii kaw iyo tobnaad ee 2013 ilaa iyo bishii lixaad ee 2014 in ay dhaceen dilitaano kor u dhafay 10 iyo in la kaxaystay dad kabadan10 oo aan dib loo arag. Waxaa jira ilaa iyo 11 dhacdo oo aan hab wanaagsan loola dhaqmin dad laga shakiyay.
Dhacdooyinkaan ka baxsan binu aadannimada ayaa soo badanayay laga soo bilaabaa markii uu ururka Alshabab ku qaday wererkii dadka badani ku dhinteen xarun ganacsi oo ku taala magalada Nairobi. Ururka alshabab ayaa ku qadayay weeraro danka Kenya iyaga oo uga aargoosanay galitaankay ciidamada Kenya galeen somaliya, dawlada Kenya waxay ku jirtaa dawladaha ay ciidamadu ka joogaan somaliya.
Warbixntan waxaa kaloo ay sheegaysaa in ay dhaceen toogashooyin lagu toogtay dad meelaha dadku isugu yimaadaan iyo in dad laga afdubtay guryahooda,baabuur ay saraayeen iyo maxkamadaha gudahooda.
Waxay warbixintu ku dartay intaas in ay jiraan aqoonyahano muslimiina oo lagu toogaty gobolka xeebta.
Hay’adu waxay sheegtay in ciidamada Kenya ay mudo sanada hada wadaan tacadiyo lagula kacayo dad shacab ah oo aan waxba-galbsan, warbixintu waxay kaloo ku eedaynaysa dawlada Kenya in aysan wax wayn ka qaban joojinta xadguduyada iyo in aysan baaritaan rasmiya ku samayn dhacdooyinkaas foosha xun.
Waxay hay’adu ka codsanaysaa madamada ka taageera Kenya dhinaca militariga in baritaan ku sameeyaan dhacdooyinka iyo tacadiyada ka socda wadanka Kenya, Kenya waxaa ka tageera dhanka militariga dawlada Maraykanka iyo midawga reer yurub.
Abdirahman Mohamed Harun .