Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxwayne.Gaas oo ka qayb galay Kullan lagu taageerayay Go,aamadii ka soo baxay Shirkii wadatashiga Dowladda Puntland iyo Xildhibanada Puntland ugu jira Federaalka(Sawiro).

$
0
0

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland gaar ahaa Xarunta Cilmi Baarista Puntland(PDRC) kaga qayb galay Kullan lagu taageerayay qodobadii ka soo baxay Shirkii wadatashiga Dowladda Puntland iyo Xildhibanada Puntland ugu jira Fadaralka.

Kullanka ayaa waxaa iyana ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulahi Camay,Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shire,Wasiiro,Isimo,waxgarad,,Culimo udiin , siyaasiyiin,Ururo ka socday Bulshada Rayidka ah iyo Masuuliyin kale.

‘’Mar walba waxaan niraahna Puntland waa Hooyada Fadaralka Soomaliya, waa Hooyada Dowladnimada Soomaliya ee hada jirta hadal layska leeyahay Maahan ee waa dhab Puntland baa HORSED u ahayd,fikirkeeday ahayd,dadaalkeeday ahayd in Soomali isu timaado’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’runtii waxaanu ka shaqaynay in xiriirki u dhaxeeyay Puntland iyo fadaralka aanu wanaajino iyadoo dowladii naga horaysay ay xiriirka ujartay Dowladda Fadaralka ayaan anagu waxaan isku daynay in xiriirkaasi wanagsanado ‘’

‘’Sababtoo ah waxaan islahayn wax badan baa Puntland uga dhumi kara Dowladda fadaralka ahna uga dhumi kara in xiriirkaasi uusan wanagsanan oo xunyahay dhankayaga runtii wixii dadaal ah ee aanu samayn karno waanu samaynay inaanu soomalinimo ka shaqayno oo laysku yimaado lana wada shaqeeyo laakin puntland wax badan ayay tirsanaysaa ‘’

‘’25-sano oo dowladnimo la,aan ahi waa tan dhafooradaasi noo yeeshay ‘’Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kullankaasi ka jeediyay Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay.

‘’Markii la saxiixay maamulka Gobolada dhexe raga qaarkii waa ay hadleen waana goodiyeen Cabdi-qaybdiid wuxuu yiri Fad ama Hafadin waa lagu fadsiin marka Cabdi qaybdiid hadalka saa leeyahay waxaan isleeyahay warkaasi waxa uu ahaa Gardaro garab og’’Ayuu yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

IMG_7257

‘’Puntland iyadu cidna kuma xadgudbayso laakin waa ay xisaabtamaysa wax lawada leeyahayna cidna si gaar ah uma takrifalikarto,Dowladd baa lawada dhistay hashiis bulshaa lawada galay marka wixii la lahaa in cid gaar ah say doonto ugu takrifasho,siyaasad ahaan ,dhaqaale ahaan ,military ahaan ayay Puntland diidan tahay’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Dhamaan Isimadii,Bulshadii,Siyaasiyiinti iyo Waxgaradkii ka soo qayb galay shirka ayaa waxa ay siwadajir ah u taageren qodobadii ka soo baxay Kullankii wadatashiga Dowladda Puntland iyo Xildhibanada Puntland ugu jira Fadarlka ee ka dhacay Garowe .

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

 

IMG_7167IMG_7176IMG_7187IMG_7190IMG_7191IMG_7199IMG_7203
IMG_7217
IMG_7218IMG_7220IMG_7224IMG_7234IMG_7242IMG_7247IMG_7251IMG_7252IMG_7254
IMG_7256
IMG_7259IMG_7260IMG_7262IMG_7274IMG_7284IMG_7287
IMG_7298
IMG_7305IMG_7318IMG_7319IMG_7326IMG_7328IMG_7349
IMG_7356


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles