Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay jiraan dad badan oo ay heysato dhibaato bani’aadannimo oo ku nool caalamka, iyagoo aanan heysan dawo, cunno, biyo, iyo hooy, kuwaasoo dagaallo ku barakacay.
Weerarrada loo geysanayo shaqaalaha bani’aadannimada ayaa la sheegay inay caqabad ku noqotay badbaadinta dad badan oo u baahan gargaar bani’aadannimo.
Hadalkan ayaa lagu sheegay warsaxaafdeed kasoo baxay xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) oo looga hadlayay maalinta bani’aadannimada adduunka oo maanta ku beegan.
Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay dhibaatadu kajirto, iyadoo xilli sii horeysay ay Qaramada Midoobay ka digtay inay ka dhacdo abaar lamid ah tii sanadkii 2011-kii, xilligaasoo dad badan ay macluul u dhinteen.
Bahame Tom, oo ah khabiir madax-bannaan oo la shaqeeya Qaramada Midoobay ayaa warbixin uu diyaariyay billowgii bishan ku sheegay in carruur ay tiradooda dhan tahay labo boqol iyo saddex kun oo ay da’doodu ka hooseyso shan sano ay haatan ku sugan yihiin xaalad nafaqo-darro oo adag, iyadoo 2.9 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah.