Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Kulan Ardayeed Hargaysa lagu qabtay(Sawiro).

$
0
0

Hargaysa  waxaa maalintii jimcaha salaadii casar kadib ku qabsoomay
hoolka shirarka ee jaamacadda bader ee caalamiga ah 19/10/1435 kuna
beegan 15/8/2014 kulan guud oo ay yeesheen  ardayda ka baxday
macaahidda al-dacwa 2005-2013,  waxaana shirkaas kasoo qayb galay
dufcaadkii machadka oo dhan ka baxay, culimo iyo maamulka iyo
macalimiinta machadka al-dacwa,  waxaana ka mid ahaa culimadii ka soo
qayb gashay:
Sh.Maxamed Ibraahim Jaamac oo ah xoghayaha guud ee Raabidada Macaahid
Sharciga ah ee Soomaaliya, Isgoona ka war bixiyay raabidada macaahidda
iyo machadka sare ee laga furayo magaalada hargaysa, wuxuuna sheekhu
ardayda kula dardaarmay in ay xoojiyaan isku xidhnaanta lana
yimaadaan qaabab cusub oo dacwada lagu hormariyo.
Intaa waxaa xigay Sh.Aabbi Maxamed Cali oo ah maamula ku xigeenka
Jaamacada Bader, Wuxuuna ardayda kula dardaarmay sheekhu in cilmiga
shareecada lagu dadaalo isgoo war-bixin koobana ka siiyay jaamacadda
iyo qaybaheeda .
Sidoo kale waxaa goobta kalmado suubban ka jeediyay Sh.Ibraahim Axmed
Xirsi  oo ah maamulaha machadka iyo Sh.cabdiraxmaan aadam cige oo ah
Masuuliyiinta Raabidada Macaahidda; Sh.naasir cali barkhad oo ah
xoghayah Mu’asasada Al-Karam iyo Sh.cabdirxmaan cumar cigaal oo ah
macalin ka tirsan machadka.
Waxa kale oo halkaas iyaguna ka hadlay gudoomiyaha ardayda ka baxday
machadka Al-Dacwa  Nuux Ibraahim Sugaal  iyo gudoomiyaha guddida
shuurada  ee Dallada ardayda ka baxday maacaahidda sharciga ah ee
Soomaaliya Cabdikariim Sh.Maxamed Madar  isagoo ka warbixiyay shirkii
koowaad ee ardayda macaahidda sharciga ah ee ka qabsoomay magaalada
laascaanood maalmihii la soo dhaafay, waxaana halkaasi lagu soo ban
dhigay qaar kamid ah acmaashii shirkaas.
Gabagabadii ayaa waxaa soo xidhay kulankaas maamulaha machadka oo
ardayda uga waramay taariikhdii machadka iyo sida uu ku soo baabmay
iyo heerarkuu soo maray, si waynna wuxuu ugula dardaarmay in ay diinta
iyo dacwadaba ka run sheegaan u adeegiddeeda.

1 3 6 8 9 10


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369