Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Idaacadaha SHABELLE iyo SKY-NEWS oo Maanta Albaabada La isugu dhuftay.

$
0
0

IdaacadCiidamada Nabad sugidda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa barqadii maanta gudaha u galay Xarunta ay degan yihiin Idaacadaha Shabeele iyo SKY oo kamid ah Idaacadaha madaxabanaan ee Magaalada Muqdisho ku yalo, kuwaasi oo xaruntooda ay ku taalo nawaaxiga Isgoyska KM4, gaar ahaan nawaaxiga Gurigii hore ee C/qaasim.

Ciidamada Nabadsugida, Booliiska iyo Milateriga ayaa gudaha u galay xarunta Idaacadahaasi ay Muqdisho ka degan yihiin, waxaana ay hawada ka saareen Idaacadaha, kadibna waxa ay soo qab-qabteen dhamaan shaqaalihii Idaacadahaasi.

Qaar kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala xarumaha Warbaahinadaasi ayaa inoo sheegay in intii joogtay Idaacada la qabtay oo Wariyeyaal ah, kadibna indhaha laga xir-xiray oo loo qaaday xarumaha ammaanka Dowladda.

Idaacadahaan la xiray oo hal meel kuwada yaalo, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in sababta loo xiray ay tahay in saaka ay baahiyeen wararka ku saabsan dagaalkii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaadeen Siyaasiyiin ku sugnaa Degmada Wadajir.

Waa markii labaad sanadkaan gudihiisa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiraan Idaacadaha Shabeele iyo SKY oo kamid ah Idaacadaha madaxbanaan ee Muqdisho ka shaqeeya.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles