Agaasimaha cusub ee Telefishinka iyo Raadiyaha Puntland Cabdifataax Nuur Ashkir ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Agaasimihii hore ee Telefishanka iyo Raadiyaha Puntland Axmed Kismaayo.
Waxgaard,Nabadoono,Siyaasiyiin iyo shaqaalaha Telefishanka iyo Raadiyaha Puntland ayaa goob joog ka ahaa Munaasabada oo ka dhacday xarunta Telefishanka iyo Raadiyaha Puntland ee Magaalada Garoowe.