Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
ayaa maanta waxaa siminaar aqoon kororsi ah uu uga furmay magaalada
Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Munaasabadda siminaarkan aqoon kororsiga ah oo ay wadajir u wadaagi
doonaan Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya iyo Baarlamaanka Uganda oo lagu qabtay Hotelka Africano ee
magaalada Kampala ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay
Baarlamaanka Uganda,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo hormarinta
Xuquuqda Aadanah Dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda
AWEPA oo siminaarkan fududeyneysa.
Xildhibaanad Maryan Maxamed Isxaaq oo ah gudoomiye ku xigeennada Golaha
XIldhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo khudbad
ka jeedisay munaasabadda furitaanka siminaarkan ayaa sheegtay iney aad ugu
farax sanyihiin ka qeybgalka siminaarka ceynkan ee la xiriira doorka
Haweenka iyo siyaasadda sare u qaadistooda waxaana ay u mahad celisay
hay’adda AWEPA iyo Baarlamaanka Uganda.
Xildhibaan C/laahi Xasan Rooble oo ka mid ah Habdhowrka Golaha Shacabka
ayaa tilmaamay in siminaarkan uu qeyb ka yahay istiraatiijiyadda uu
Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u dejiyey in XIldhibaannada
Golaha Shacabka aqoontooda sare loogu qaaday waxaana uu magaca Golaha
Shacabka uga mahad celiyey Baarlamaanka Uganda iyo hay’adda AWEPA.
Siminaarkan maanta u furmay Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa socon doona mudo Shan cisho
waxaana uu imaanayaa xili laba maalmood ka hor magaalada Kampala siminaar
aqoontooda sare loogu qaadayey loogu soo gebagebeeyey Guddoomiyeyaasha
Guddiyada Joogtada ah iyo ku xigeennadooda.