Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Al-Abadi oo loo Magacaabay Ra’iisul-wasaaraha dalka Ciraaq.

$
0
0

10D38126-05AA-4E8F-9D33-272AED7357D0_w268_r1Madaxweynaha Ciraaq Fouad Massoum ayaa ra’iisul-wasaare u magacaabay Haider al-Abadi, wuxuuna amray inuu soo dhiso xukuumad cusub.

Al-Abadi wuxuu ahaa guddoomiye-ku-xigeenka baarlamaanka Ciraaq, waxaana soo magacaabey ururka Shiicadda “National Alliance”, isagoo baddali doono Nouri al-Maliki.

Talaabadan ayaa imanaysa iyadoo al-Maliki uu isku dayay inuu xukunka sii hayo, isagoo iska dhagamarinaya baaqyada ka imanaya Sunniyiinta, Kurdida iyo Shiicadda kale oo isaga ugu baaqay inuu xilka ka dago.

Haider al-Abadi, waa Enjineer WAX ku soo bartay jaamacad ku taalla magaalada Manchester ee dalka Britain.

John Kerry, xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay in dhismaha xukuumad cusub ay muhiim u tahay xasilloonidda Ciraaq, wuxuuna ku booriyay al-Maliki inuu ka baaqsado inuu xaaladda sii murgiyo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles