Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tegitaanka Axmed Cabdi Xaabsade ee magaalada Garoowe, Waxayna sheegtey in uusan u tagin halkaas Arrimo siyaasad la xiriira.
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gollaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Cadde oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Axmed Xaab-sade uu ahaa Odey Reer Somaliland ah islamarkaana aan wax xil ah ka hayn , isagoona ku sheegey sababta uu u tagay Garowe inay la xiriirto guri uu ku leeyahay.
Dhanka kale wuxuu ka hadlay Baashe Maxamed Cadde shirka ka socda tuulada Saaxdheer, ee Gobolka Sool kaas oo dhowr mar oo horre la isku dayay in lagu qabto degmada Taleex balse ay fashiliyeen maamulka Somaliland ka dib markii ciidankoodu la wareegey Taleex.