Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Kowaad ee Ciidamada Gobolada Bari,Sanaag ,Karkaar iyo Hayland Mudane .C/fataax Xaaji Aadan Axmed ayaa gelinkii dame ee Maanta waxa uu ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.
isku deygan dilka ah ayaa waxa soo Abaabulay Kooxda Al-Shabaab ee Fariisinka ku leh Buurta Galgala ee Gobolka Bari.
Gudoomiyaha Maxkamada Mudane.C/fataax Xaaji Aadan Axmed ayaa gelinkii hore ee maanta waxa uu kasoo ambabaxay Magaalada Garoowe ,isagoona kusoo jeeday Magaalada Bosaaso,balse waxa weerar Gaadmo ah ku qaaday Kooxda Al-Shabaab ,iyadoona Ilaalada Gudoomiyaha iyo Kooxda Al-Shabaab ay is dhaafsadeen rasaas Xoog Leh.
Weerarkan Al-Shabaab ayaa waxa uu dhacay Deegaanka Laag oo ku beegan Dhanka Koonfureed ee Magaalada Bosaaso.
ilaa hada lama sheegin Wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay,marka laga reebo Gaariga Gudoomiyaha oo khasaare xoog leh uu soo gaarey.
Ururka Al-Shabaab ee fariisinka ku leh Buurta Galgala ayaa mudooyinkaan dame waxa ay wadeen weeraro Lixaad leh oo ay la beegsanayaan Masuuliyiinta Dowlada Puntland,iyagoona Asbuucii hore Magaalada Bosaaso ku dilay labo Taliye oo Dowlada ka tirsanaa.