Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweyne Gaas iyo Isimada Gobolka Nugaal oo kulan La Yeelanaya Shaqaaqooyinkii Garoowe ka dhacay.

$
0
0
Waxaa barqanimada maanta la filayaa in uu dhaco shir ay ku balansan yihiin Madaxweyne Gaas iyo Isimada Gobolka Nugaal gaar ahaan Beesha Ciise Maxamuud  oo soo farageliyay khilaaf isku dhac milateri sababi rabay todobaadkan gudahiisa, kadib xil ka qaadis lagu sameeyay saraakiil beeshaasi kasoo jeeda.
Kulankan ayaa waxaa si fool ka fool ah isugu imaan doona Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo beesha Ciise Maxamuud u aragto inuu ugaarsanayo xubnaha kasoo jeeda beesha ee xilalka haaya iyo Isimada Beesha Ciise Maxamuud oo hordhigi doona shuruudo dhowr ah oo ay isla garteen waxgaradka iyo saraakiisha kacdoonka sameeyay.

Lama oga shuruudahaasi in ay noqon doonaan kuwo uu aqbalo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo hannaanka uu wax u wada ay kasoo horjeedaan, halka isagana uu ku doodayo in isbadalka maamulkiisa uusan aheyn mid ku kooban saraakiil beel kaliya kasoo jeeda.

Xiliga danbe ee maanta ayaa laga yaabaa in qodobo ay kasoo baxaan kulamada barqanimada ku qabsoomi doona Garoowe.

Dhanka kale waxaa magaalada Garoowe ku sugan saraakiishii laga xayuubiyay xilalka iyo ciidamadooda, kuwaasi oo ka war dhowraya go´aanada kasoo baxa shirkaasi, hadii ay ku qanci waayaana lama saadaalin karo tallaabada ay qaadi doonaan.

Isimadda-Nugaal

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369