Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, waxaana sidoo kale lagu meel-mariyay Hindise sharciyeedka Hubka wax-dila.
Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa kulanka kaddib Saxaafadda la hadlay.