Saraakiisha Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba iyo garabka Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), ayaa waxay guulo ka kala sheegteen dagaal maanta ku dhex maray deegaanka Goobweyn, oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo.
Madaxa Hawlgalada ee Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba Iftiin Xasan Baasto, ayaa sheegay in ay iyagu weerarka ku qaadeen Ciidamada Korneyl Barre Hiiraale, waxayna qorsheynayeen buu yiri in Kismaayo soo weeraraan.
Tallaabada ay u weerareen Goobweyn, ayuu ku sheegay mid ay kaga hortagayeen uun weerar uu Barre Hiiraale ku soo qaado Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.
Iftiin Xasan Baasto, ayaa xusay in dagaalka ay ku dileen saddex ka mid ah Ciidamada Korneyl Barre Hiiraale, halka dhankoodu sida uu sheegay aanu waxyeelo ka soo gaarin. Isla-markaana ay dib ugu soo laabteen Kismaayo.
Afhayeenka Ciidamada Deegaanka Goobweyn C/rashiid Macalin Gaas, ayaa waxa uu isna sheegay in dagaalkaan ay ku dileen 3 ka mid ah Ciidamada Maamulka Jubba, ayna iyagu weli ku sugan yihiin Goobweyn.
Gaas waxa uu ku cel celiyay in dhawaan ay Kismaayo ka saari doonaan Ciidamada Maamulka Jubba iyo Ciidanka Difaaca ee Kenya, xilli uu ku eedeeyay inay dhibaato ku hayaan bulshada reer Kismaayo.