Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Al-Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Weerarkii Ismiidaaminta Ee Lagu Dilay Taliyihii Booliska Ee Gobolka Bari.

$
0
0

Ururka Al Shabaab ayaa waxa uu caawa sheegtay masuuliyada weerarkii ismiidaaminta ee galabta ka dhacay Magaalada Boosaaso, laguna dilay Taliyihii qaybta Booliska ee Gobolka Bari C/raxmaan Cali Cabaas (Muslim).

Sheekh C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada ee Al Shabaab, ayaa waxa uu bidhaamiyay inay iyagu ka dambeeyeen tallaabadii lagu dilay Allaha u naxariistee C/raxmaan Cali Cabaas (Muslim).

Waxa uu ku faanay in Saraakiil kale oo ka tirsanaa Maamulka Puntland, ay sidoo kale ku dileen weerarkaan, walow aanu faah faahin ka bixin Saraakiishaasi xilalkii ay hayeen.

“Hawlgal guuleystay ayay Mujaahidiintu ka fuliyeen Magaalada Boosaaso, waxayna ku dileen Saraakiil ashahaadda la dirir ah oo uu ka mid ahaa Taliyihii Booliska Bari.” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab.

Abuu Muscab, ayaa sababta ay ku dileen C/raxmaan Muslim ku sheegay, iyadoo uu dhibaato ku haayay buu yiri Muslimiinta degan Magaalada Boosaaso, sida dhalinyarada iyo Culimada, isla-markaana ay ka hor leexiyeen, sida uu yiri.

Argagaxisada Somaliya, ayaa waxay si joogto ah u daadineysaa dhiigga dadka Somaliyeed, iyagoo markaasi qiil ka dhiganaaya inay miciin bidayaan waxa ay ugu yeeraan cadowga Alle.

1402569342

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles