Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Garoowe:-Madaxweynaha Puntland oo ka qeybgalay Munaasabadii Sanadguuradii 16-Aad ee Puntland(Sawiro).

$
0
0

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland kaga qayb galay Munaasabad Balaaran oo loogu dabaal dagayay Sanad guuradii 16-aad ee ka soo wareegatay Markii Puntland la dhisay.

Xaflada ayaa waxaa sidookale ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Camay,Wasiiro,Xildhibaano,Isimo,Waxgarad,Haween Dhalinyaro iyo Dhamaan Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool Magaalada Garoowe kuwaasi oo diyaar garow xoogan ugu jiray ka qayb galka Dabaaldagaasi.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Masuuliyiinti la socday ayaa socod ku yimi barxada Garoowe waxana ay si kal iyo lab ah u salaamen dhamaanba dad waynihii ku sugnaa Goobta .

Cusubyo siweyn loo diyaarshay oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland ayaa waxa ay Socod dheer ku mareen Wada Laamiga ah iyagoona Salaan Sharaf Siiyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Waxa iyana sidookale socod dheer wadada Laamiga ah ku maray ardayda,Shaqaalaha Dowladda,Barakacayasha,Dhalinyaro,Ciyaartoy,Dadwayne u diyaarsanaa in ay Matalaan Xaafadaha Magaalada garoowe,Ardayda Macadka Saxaafada,Shaqaalaha iyo Sidookale Shirkada Korontada Garoowe.

Fardaha,Gawaari lagu xardhay Calanka Puntland,Baaskiilo ay wadeen dhalinyaro kulabisan Calanka Puntland iyo Agabka Hidaha iyo Dhaqanka waxay qayb Wen ka ahaayen waxyaabihii lagu soo bandhigay Halka ay ka dhacaysay Xaflada oo ahayd Barxada Garoowe.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Ayaa Mahadcelin Alle ka Sakow umahadnaqay Gudigii qaban qaabada Xaflada,Madaxda Puntland,Shacabka Puntland iyo Howlwadeenada Warbaahinta oo siweyn uga qayb qaatay Tabinta Munaasabada,isagoona alle uga baryay in sanadkaan sanadkiisa ay ku gaaran bash bash iyo barwaaqo waarta.

IMG_50111

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay inay ka go’an tahay Xukuumadiisa sidii WAX looga qaban lahaa arrimaha taagan balse Shacabka Puntland looga baahan yahay in iyana ay ka waan toobaan Dawarsiga Beesha Caalamka .

Halku dhiga Sanadkaan ee Dabaal daga Sanadguurada 16-aad ee  ka soo wareegatay Marki dhidibada loo taagay Puntland ayaa ahayd ‘’Puntland Ha Isku Tashato’’

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_4961 IMG_4962 IMG_4963 IMG_4996 IMG_4999  IMG_5022 IMG_5029 IMG_5032 IMG_5033 IMG_5037 IMG_5038 IMG_5044 IMG_5052 IMG_5054 IMG_5055 IMG_5056 IMG_5057 IMG_5058 IMG_5059 IMG_5061 IMG_5068 IMG_5069 IMG_5080 IMG_5081 IMG_5087 IMG_5088 IMG_5089 IMG_5093 IMG_5095 IMG_5100 IMG_5103 IMG_5106 IMG_5109 IMG_5113 IMG_5117 IMG_5122 IMG_5124 IMG_5132 IMG_5133 IMG_5137 IMG_5139 (1) IMG_5140 IMG_5143 IMG_5153 IMG_5156 (1) IMG_5159 (1) IMG_5159 IMG_5160 IMG_5162 IMG_5169 IMG_5170 IMG_5171 IMG_5173 IMG_5177 IMG_5179 IMG_5181 IMG_5182 IMG_5189 IMG_5199 IMG_5202 IMG_5203 IMG_5205 IMG_5210 IMG_5211 IMG_5212 IMG_5215 IMG_5217 IMG_5218 IMG_5222 IMG_5228 IMG_5230 IMG_5235 IMG_5240 IMG_5242 IMG_5243 IMG_5245 IMG_5247 IMG_5267 IMG_5268 IMG_5269 IMG_5271 IMG_5274 IMG_5290 IMG_5293 IMG_5297 IMG_5302 IMG_5303

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles