Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Jaaliyadda Puntland ee dalka Finland oo si weyn u xusey 16 guuradii Puntland asaaskeeedi (Sawiro + Video).

$
0
0

Jaaliyadda Puntland ee Finland ayaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ku xustey 16 guuradii ka soo waregtey markii la asaasey maamulka Puntland, Xafladda ayaa ka dhacdey caaimadda Finland ee Helsinki.

Xafladda oo ay soo agaasintey Jaaliyadda Puntland ee Finland, waxaana ak soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada, Sida Haweeenka, Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indheergaradka. Sidoo kale waxaa xafladda ka soo qaybgalay ururka ay ku mideysan yihiin dhamaan bukshada Soomaaliyeed ee Somali Liitto, Jaaliyadda ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo qaar kale oo ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida.

Waxaa xafladda xiriirinaayey Eng. Cabdirsaaq Muuse Cali (Ilweyn).

Xafladda ayaa ku bilaatay wacdi uu soo jeediyey Shiikh Yusuf Ismaaciil Cabdulle, waxaana uu ka hadley wanaagga ay leedahay walaalnimada iyo is aaminka

Guddoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Finland Eng. Ibrahim Xassan Caynab oo hadalka lagu soo dhaweeyey ayaa shacabka Puntland ugu hambalyeeyey munaasabadda 1 Agoust, waxaana uu tibaaxey mubhimadda uu ku fadhiyo dhismihii maamulka Puntland oo maanta laga joogo muddo 16 sano ah.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland Eng. Ibrahim ayaa ka sheekeeyey waxqabadka ururka Jaaliyaddu ku mideysan tahay oo ay dooratey, waxaana uu ballan qaadey in ururka Jaaliayaddu ka dhabayn doono himilooyinkii loo asaasey.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Cali gaas ayaa khadka Telefoonka uga qaybqaatey xuska Jaaliayadda Finland ay dhigeysey, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland ugu hambalyeeyey dhismihii maamulka Puntland. Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku amaaney Jaaliyadda Puntland ee Finland doorka ay ka qaataan dib u dhiska dalka, Waxaana uu ku booriyey in ay halkaas ka sii wadaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa ballan qaadey in Jaaliyadda maamulkiisu u dhisi doono qaab ay kula shaqeyn karaan maamulka Puntland oo isku xira labada dhinac.

Sidoo kale waxaa xafladda lagu xusaa asaaskii Puntland ka hadley aqoonyahano badan oo ay ka mid ahaayeen

  1. Dr Cabdalla Cali Dhuux
  2. Eng. Asad Nuux
  3. Saleebaan M. Faarax
  4. Ayaan Maxamed
  5. Sacdiya Maxamuud
  6. Ismaaciil Aw-musse
  7. Jibriil Cabdulqaadir Warsame
  8. Axmed Xasan Towxiid
  9. Khadar Carab
  10. Caasha Cumar Ismaaciil
  11. Sucaad Cabdinuur
  12. Caasha Ibraahim Xasan
  13. Shukri Cali Aar.

8

Ugu danbeyntii waxaa shirka ka soo abxay baaq loo jeediyey shacabka ku dhaqan Puntland, waxaana loogu baaqey in ay isku tashadaan, isticmaalaan awoodda ilaah siiyey iyaga oo aan sugeyn cid kale in ay WAX u qabanayso, “Biyo Sacabadaada looga dhergaa”

Shirka ayaa si weyn u soo dhaweeyey ballan qaadka Madaxweynaha Puntland ee dhissmaha Qurbajoogta Finland iyo kuwa la midka ah.

Xafladda lagu xusaayey Puntland ee ka dhacdey caasimadda Finland ee Helsinki ayaa ku soo dhamaatey jawi xiiso leh.

Guddiga Jaaliyadda Puntland ee Finland.

1 2 3 4 5 7  9 15 17 18 20 21

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles