Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in toban ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen duleedka magaalada Kismaayo, gaadiidna ay ka qabsadeen, kadib dagaal dhex maray labada dhinac.
Madaxa howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee maamulka KMG ah ee Jubba Iftiin Xasan Baasto ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay deegaanka Cabdi Dhoore oo 48 Km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Wuxuu tilmaamay in dagaalka kadib ay la wareegeen deegaanka Cabdi Dhoore, ayna ciidanka baaritaan ka wadaan deegaanka.
Iftiin Xasan Baasto ayaa xusay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.