Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxtooyada Somaliland oo beenisay inuu xanuunsan yahay Madaxweyne Siilaanyo.

$
0
0

Madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa beenisay warar ay toddobaadkaan baahiyeen bogagga internet-ka ee Soomaalida, kuwaas oo ku saabsanaa in ay liidato xaaladda caafimaad ee madaxweynaha maamulkaas, Axmed Maxamed Siilaanyo.

War-saxaafadeed ka soo Baxay madaxtooyada maamulka ayaa lagu sheegay in aysan wararkaas sal iyo raad toona laheyn.

Afhayeenka madaxtooyada maamulka Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa tilmaamay in uusan maamulka ka hari doonin ciddii faafisay wararkaas been abuurka ah, oo baaritaan ay ku sameyn doonaan.

Afhayeenka wuxuu xusay in madaxweynaha uu safar nasasho ah ku joogo dalka Ingiriiska, isagoo xaqiijiyay inuu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, dhowaanna uu soo noqon doono.

1228

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles