Diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Algeria oo ay saarnaayeen boqol iyo dhowr iyo toban ruux ayaa burburtay.
Hay’adda duulimaadyada Algeria ee, Air Algerie, ayaa sheegtay in ay lumisay xiriirka diyaaraddan WAX yar kaddib markii ay ka soo duushiay Burkina Faso.
Diyaaradda ayaa ka soo baxday magaalada Ouagadougou, ee dalka Burkina Faso.
Wasiirka gaadiidka ee dalka Burkina Faso ayaa sheegay in diyaaradan ay saarnaayeen ilaa 110 rakaab ah, oo u badan dalalka Burkina Faso iyo Faransiiska.
Dhowr ruux oo kale oo ka soo jeeda dalalka Carabta, Yurub iyo AFRIKA ayaa sidoo kale saarnaa diyaaradaas.
Duuliyaha ayaa la sheegayaa inuu la xiriiray shaqaalaha duulimaadka Niger oo uu u sheegay inuu khadka baddelanayo kaddib markii ay ka hortimid dabayl xawli ku socota.