Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada muqdisho Meydkii Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo Howl-wadeen C/laahi Xuseen Yabaroow qabuuraha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayadoo goobtaasina ka sokoow madaxda sare ee Dalka ay soo buux dhaafeen Boqolaal dadweyne ah oo u badnaa bahdii Fanka ee ay horey uga mid aheyd Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame.
Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Sangub oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ay sida aadka ah dhanka fanka isugu dhowaayeen Allaha u naxariistee Marxuumad Saado Cali Warsame ayaa si kooban waxa uu saxaafadda ugu faah faahiyey saameynta iyo muga shaqsiyadeed ee ay Bulshada Soomaaliyeed guud ahaan ku dhex laheyd Marxuumadda Saado Cali Warsame.
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isaguna ka hadlay goobta lagu aasay Marxuumadda ayaa xusay in Saado Cali Warsame ay aheyd Wadaniyad jecel dadkeeda iyo dalkeeda islamarkaana ay umadda Soomaaliyeed aad u tabi doonaan waxaana uu madasha ka ballan qaaday in aanay Dowladdu ka hari doonin dhagar-qabeyaashii dilay Marxuumadda ilaa cadaalladda laga horkeenno.