Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Puntland oo Muqdisho Wafdi udirtey si ay uga qeyb noqdaan Baaritaan lagu sameyn doono Xilkii Xildhibaanad Saado Cali(Sawiro).

$
0
0

Dowlada Puntland ayaa wafdi isugu jira Wasiiro,xildhibaano iyo Odayaal dhaqan udirtey Magaalada Muqdisho,si ay uga qeyb noqdaan baaritaan Guud oo lagu Sameyn doono Sidii  uu u dhacay Dilkii Xildhibaanad Saado Cali Warsame  iyo Cidii ka danbaysay dilkeeda.

Wafdigan ayaa Waxa Hogaaminaya Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Puntland Mudane.Axmed karaash oo ay Marxuumada isku heyb yihiin.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle Indhoguran oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inuu salka ku hayo socdalkodu sidii baaritaan dhab ah loogu samayn lahaa dilkii Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo weliba  mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Somalia oo ka dhacay Muqdisho.
Indhoguran ayaa sheegay dilka Xildhibaan Saado Cali Warsame in uu noqonayo dilka  xildhibaankii 3-aad oo Puntland kasoo jeedana laguna dilo gudaha magaalada Muqdisho iyadoona aan WAX baaritaano ah lagu samayn,Balse Wasiir indhoguran oo hadalkiisa sii wata ayaa Sheegay in hada Wixii ka danbeeya aan la isaga hari doonin Masuul dame oo si bilaa Micne ah loo dilo .

DSC02879-1024x768

DSC02902DSC02895 DSC02894 DSC02890 DSC02886 DSC02887 DSC02883 DSC02878 DSC02879 DSC02876 DSC02881 DSC02869  DSC02868 DSC02861

 

Raadreeb+PuntlandFox.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles