Kooxo hubaysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay Alla Ha u naxariista Saado Cali Warsame, oo ka mid aheyd xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Marxuumad Saado Cali Warsame ayaa sida la sheegay Waxa ay soo baxday hotel ay daganeyd oo ku yaalay agagaarka daarta Taree Biyaano ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in rag hubaysan oo watay gaari ay rasaas ku fureen gaarigii ay xildhibaanada saarnayd.
Kooxihi dilka geystay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geystaan, waxaan la xaqiijiyey in sidoo kale uu isla goobta uu ku geeriyooday darawalkii u waday gaarigii ay la socotay.
Saado Cali Warsame ayaa ka mid aheyd fannaaniinta waaweyn ee dalka Soomaaliya si weyn looga yaqaanay, waxay dhowaanahaan ka mid aheyd xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ku saabsan dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo darawalkeeda.