Sweden: Xarunta dhaqanka Islaamka oo soo bandhigtay aqoon isweydaasi
ku saabsan badbaadinta caruurta soomaaliyeed ee reerahooda laga qaato
Hordhac: Guud ahaan wadamada qaarada yurub, gaar ahaana wadamada
iskandaneefiyaanka ayaa waxaa sanadihii ugu dameeyey aad ugu soo badanaayey
waalidiinka caruurtooda laga qaato. Caruurtaas ayaa badanaaba waxaa loo geeyaa dad
dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ka duwan caruurta. Arintaas ayaa waxaa ay keentaa in
dhaqankii iyo diintii islaamka ee caruurta soomaaliyeed haysteen uu gebi ahaanba tirtirmo
ama ay waxyeelooyin waaweyn soo gaaraan. Dhibaatadani waxaa ay saameyn weyn ku
yeelataa waalidiintii caruurta dhalay ee ku soo tabcay iyo weliba guud ahaan soomaalida
halaa ku dhaqan. Waxaa marar badan dhacda in dhibtu aaney ku ekaan caruurta oo la qaato
balse waxaa dhacda in waalidiintu xarig mutaystaan. Haddaba Masjidka soomaaliyeed ee ku
yaal xaafada Rinkeby ee caasimada dalka sweden ee Stockholm ( Masjid Al-nur) ayaa waxaa
uu soo bandhigay qorshe aad loogu qancay oo loogu magac daray ” Bilowgii wanaagsanaa”
Bilowgii wanaagsanaa
Imaanka masjidka soomaaliyeed ee Rinkeby, Xuseen Faarax oo kaashanaaya xarunta
dhaqanka Islaamka ee isla xaafadaas ayaa waxaa ay baaritaan iyo lafagur ku sameeyeen
dhibaatooyinka ugu waaweyn ee keena in caruurta soomaaliyeed reerahooda laga qaato,
loona geeyo dad aan la dhaqan iyo diinba ahayn. Imaam Xuseen faarax iyo aqoonyahanada
la shaqeynaayey waxaa ay ugu horeyn aqoonsadeen dhowr arimood oo saldhig u ah
qaaditaanka caruurta. Qodobka ugu horeeya ee dhaliya qaaditaanka caruurta ayaa ah
isfaham waaga dhexmara waalidka iyo hay`aadka qaabilsan arimaha caruurta. Haddaba
isfaham loo abuuro ayaa waxaa hal meel la isugu keenay qaar ka mid ah madaxda iyo
shaqaalaha waaxda arimaha bulshada, madaxda booliiska iyo qaybo kale oo bulshda ka mid
ah oo arinkaan saameyn ku yeesha, sida waaxda arimaha dhalinyarada iyo caruurta. Waxaa
kaloo goobta lagu casumey dadweyne soomaaliyeed oo aad u badan oo isugu jira qaybaha
kala duwan ee bulshada. Ujeedada ugu weyn ayaa ahayd in laga gudbo kala qoqobnaanta iyo
fikiradaha qaldan ee lakala aaminsan yahay loona gudbo isfaham iyo wadashaqayn. Dulucda
aqoon isweydaarsiga ayaa ah in mar walba la eego meesha u fiican caruurta.Barnaamijka oo
faahfaahsan laguna turjumaayo afka soomaaliga waxaad ka daawan kartaa halkan hoose.
Dardaarankii imaam Xuseen Faarax
Sheekh Xuseen Faarax ayaa arinkaan kala geynta waalidka iyo caruurtooda aad
uga dhiidhiyey, kuna dadaalay inuu wax ka qabto isagoo kaashanaaya dadweynaha
soomaaliyeed. Haddana waxaa uu baaritaan badan ka dib uu sheekh xuseen faarax ka digey
arimahaan soo socda:
• Waalidka oo dhibka qarsada: Waxaa la doonayaa in waalidka kolka ay arintaan
qaadista caruurtu soo foodsaarto ama uu qiyaaso in arinkani kusoo fool leeyahay uu
la socodsiiyo qaraabada, waxgaradka soomaaliyeed iyo culimada. Haddii dhibaatada
la qarsado oo waalidku keli ku noqdo waxaa dhacaysa in si sahal ah looga guuleysto
• Kala noolaashaha qoyska ( separate): Arintaasi diiniyan waa mid qaldan, waxyna
horseedaa bur bur qoyska ah iyo daldaloolo badan oo soo baxa.
• Hooyooyinka dalbada iney keligood caruurta masuul ka noqdaan: Arintaani waxaa ay
keentaa in kolkii dhibta qaadista caruurtu timaado ay adkaato in caruurta waalidkii
kale loo dhiibo.
• In labada waalid midba midka kale uu dacweeyo si uu isagu ilmaha u helo. Arinkaas
ayaa inta badan sida aanu aragnay ku dameeya in labada waalidka ay waayaan
caruurtooda.’
• Warbixin la`aanta: Waxaa waajib ah in waalid walbaa uu ku dadaalo inuu fahmo
meelaha laga soo geli karo , uuna mar kasta raadiyo warbixin, ahaadona mid
firfircoon oo la socda waxyaalaha ka imaan kara iskudhaca dhaqanka iyo waxyaalah
ay keeni karaan.
Xusuusin: Imaam xuseen faarax iyo gudiga isku xirka waalidiinta waxaa ay ku guuleysteen
in caruur badan oo reerahoodii laga qaaday dib loo sooceliyo. Waxaa kaloo ay ku
guuleysteen iney abuuraan jawi isfaham iyo wadashaqayn dhexmara waalidiinta iyo
hayàadka maamula arimaha caruurta.
Mahadanidin
Daawasho wacan Barnaamijka : Bilowgii wanaagsanaa.
Qoraalkan waxaa diyaariyey:
C/risaq Maxamed Xuseen ( macalin c/risaq)
habdirisak@hotmail.com
Eskilstuna, Sweden.