Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo ku shiray Magaalada Garoowe(Sawiro).

$
0
0

DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA

MADAXTOOYADA XAFIISKA
AF-HAYEENKA

PUNTLAND STATE OF SOMALIA
STATE – HOUSE
SPOEKSMAN OFFICE
Ref: -X-A-H/ DPS/19/2014 جـــرووى -Garowe Date: july .17 ,2014
Kulankii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland Ee Khamiislaha Ahaa WAR-SAXAAFADEED
Maanta oo ay taariikhdu tahay 17 bisha july 2014 waxaa xarunta Madaxtooyadda Dawladda Puntland ku shiray Golaha Wasiirada dawladda Puntland shirkaas oo Khamiis’le ah
Iyadoo dood dheer iyo falanqeyn laga yeeshay xaalada dalka, ka dib waxaa ka soo baxay Qodobada hoos ku qoran
ü Guud ahaan Amniga Puntland aad ayuu wacan yahay waxaana howgalo Dawladdu ka wadaa Goboladda waaweyn ee puntland , si looga hortago khatar kasta oo ka imaanaysa kooxaha xagjirka ah sida uruka al-shabaab sidoo kale Dawladdu waxay guddi u saartay khatarta ka imaan karta kaalimada shidaalka oo kusoo badanaya gudaha puntland guud ahaan iyo gaar ahaan Caasimada oo u keeni karta khatar naf iyo mid dhaqaale

ü Dawladda Puntland waxay ka gudubtay marxaladii xaalada Bini’aadaantimada ahayd waxay u gudubtay marxalada horumarinta iyo maalgashiga sidaa owgeed waxay Dawladda Puntland Magacowdey ( HAY’ADDA MAALGASHIGA IYO HORUMARINTA PUNTLAND ) Puntland Investment And Development Authority ( PIDA)
ü Golaha wuxuu War-bixin ka Dhageystay Gudiga Qabanqaabada Xuska sanad-guurada 16’aad ee dhalashada Dawladda Puntland ee 1-August, Guddigan oo ka kooban sadex Guddi hoosaad ,waxay xuseen in howsha u socoto si wanaagsan, munaasabadanina qabsoomayso xiligii loogu talo galay.
Waxaa sidoo kale warbixino laga dhegeystay
Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyada meesha ay marayso hawsha dib u habaynta iyo reform’ka) guud ee dalka .

IMG_2598
Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )
Email. spofgovpl@gmail.com.

IMG_2573IMG_2577IMG_2580IMG_2582IMG_2587IMG_2593IMG_2597IMG_2604IMG_2607IMG_2608IMG_2611

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles