Wasiirka Wasaarada Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Dr.C/laahi Jaamac Saalax ayaa maanta u Ambabaxay Dalka Imaaraatka Carabta, ka dib markii uu Martiqaad ka helay Masuuliyiinta ugu Sareysa Dowlada Imaaraatka Carabta.
Safarka Wasiirka ayaa la xariira sidii uu Madaxda Dowlada Imaaraatka ugala soo Xaajoon lahaa Xiriirka Labada oo ahaa Mid qarniyo badan soo Jirey.
Wasiirka Ayaa Dowlada Imaaraatka kala Soo hadli doona arimaha ay ka mid yihiin Dhamaystirka Arimaha Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland,Dhismaha Dekeda Weyn ee Magaalada Bosaaso iyo Weliba Xoojinta Heshiiskii ay dhowaantan Madaxweynaha Puntland soo wada galleen ee ahaa Maalgashiga Deegaanada Puntland.
Sidoo Kale Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Dowlada Imaaraatka iyo Masuuliyiinta Dekeda Port Dubai ayaa ka mid ah Masuuliyiinta ay Wasiirka wada Kulmi doonaan,iyagoona ka wada hadli Doona Xiriirka Wada Shaqayneed ee Labada Dekedood Bosaso Port iyo Dubai Port.