Xukuumada Somaliya, ayaa waxay wadaa qorshe ay dib gacanta Dowladdu u soo gelineyso dadka heysta Baasaboorka Diblomaasiga, isla-markaana aan ka tirsanayn Dowladda Federalka ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Somaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyleh, ayaa waxa uu sheegay in Basaboorka Diblomaasiga ay heystaan dad aan loogu talla gelin, dadkaa oo ka mid ah ganacsato iyo takaasiley, sida uu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaan laga qaadi doono Basaboor Diblomaasiga, marka ay doonayaan inay soo cusbooneysiistaan, haddii ay dalka ku soo laabtaan amaba ay ka dhoofayaan.
Waxa uu intaa ku daray kolka dadkaan ay baahi ka gasho Safaaradaha dibadda in sidoo kale laga qaadi doono Basaboorka Diblomaasiga, si loo soo celiyo buu yiri sharafkii uu lahaa Qaranka Somaliyeed.
Wasiir Beyleh oo la hadlaayay Radiyaha Dowladda, ayaa waxa uu shacabka Somliyeed ugu baaqay in Dowladda lagala shaqeeyo soo celinta sharafkii uu lahaa Qaranku.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Soource:-Universal-TV.