Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Xoogag Hubeysan Oo Weeraray Xarun Ciidanka Nabad Suggida Ku Lee Yihiin Jidka Warshadaha.

$
0
0

Xoogaga hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa waxay xalay weerar ku qaadeen Xarunta Ciidanka Nabad Suggida ku lee yihiin agagaaraha Warshadaha Biyaha Caafi ee Jidka Warshadaha.

Xoogagaan oo ku hubeysnaa noocyada kala duwan ee hubka, ayaa gantaalaha garbaha laga tuuro ku garaacay dhismaha, waxaana xigay iska horimaad halkaasi ku dhex maray Ciidanka Nabad Suggida.

Daryanka hubka oo si weyn looga maqlaayay goobaha ku dhow dhow, halka uu iska horimaadku ka dhacay, ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay dadka deggan aaggaasi.

Ciidanka Nabad Suggida oo gurmad ka helay Ciidamada kale ee ku sugan Jidka Warshadaha, ayaa markii dambe dib u riixay nimankii hubeysnaa ee soo weeraray.

Lama garanaayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan, iyadoo dhanka kalana aynaan weli ka hadlin Saraakiisha Nabad Suggida iyo Booliska, ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Maaha markii ugu horeysay oo weerar hubeysan qaado Xarunta Nabad Suggida ee Jidka Warshadaha, oo dadka reer Muqdisho ay u garanayaan Sarta Warsame Indhool.

download

 

Source:-UniversalTV.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles