Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ururka Nabada iyo Cadaalada oo Cambaareeyay weerarkii Madaxtooyada .

$
0
0

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda Codka inta damiirka nool, dareenka wadaniyadeed iyo qiiradda dhabta Ah (Somalinimada leh)ku hadleeynaa waaanu si weyn u cambaareeyneeynaa  Weerarka cadoownimadda ku saleeysan,naceeybka iyo nabad-diidnimadda, Nool-diidnimadda iyo dowlad iyo kala dameeyn diidka leh,ka duulaaya Caqliyadda Xasuuqa,gumaadka,dilka,barakiciinta ummadda Somaaliyeed wax laga faa’iidaayo la garaneeyn(Khasaare iyo dhiig daadiin keliya)waana dhaqan ka reeban Shareecadda Islaamka. http://youtu.be/wkALp4jy04Q

Urur ahaan waxaanu qireeynaa in weerarkaasu ahaa mid is-miidaamin cadoownimo ah cidii ka dameeysay yihiin dembiilayaal,ma naxayaal iyo kuwo naftooda halaagay(If iyo Aakhiiroba seegay)guulna kuma dhalin doonaan dilka,qaraxa,is-miidaamiin iyo xasuuqidda ummadda Somaaliyeed Muslinka ah(weliba Xiligan Bisha Barakeeysan Ramadaanka) eey haboon tahay in camal wanaagsan,kheyr leh iyo samaan ka shaqeyn iyo is-caawin,runtii waxaa xusid mudan in dhaliil culeeyskeeda leh dusha looga tuuro Dowladda F.Somaliyeed hogaankeeda sarre,laamaha Amaanka iyo Amison oo si weyn u dayacay xilkoodii dhanka amaanka ka Saarnaa ,ka seexday gudashadda shaqadooda waana arrin ayaan daradeeda leh, lana oran karaayo xilkasnimo darro,qorshe xumo,wada shaqeyn iyo is-kaashi la’aan dhexdooda ah iyo ku mashquulidda howlo kale iyo dano gaar ahaan (dhaliil iyo dhaleeceeyn weyn mudan) iyo helidda xaqiiqadda jirta.

 

Urur ahaan waanu soo dhoweeynaa casilaada Madaxdii Ciidanka Boliiska iyo Sirdoonka Somaaliyeed oo loo arkay ineey xilkoodii ka gaabiyeen ama nabadgelyo xumadda soo badatay qiil looga dhigay casilaadoodda inkastoo eey muujiyeen dadaal badan hadana xilku cid lama dhalan ee waa mid wareegto ah,waxaa arrin shakigeeda weyn leh sida sahlan oo Madatooyada gudaheeda weerarka loogu qaado,marka caqliga adeegsisado waxaa si cad u soo baxaaya in qorshaha Weerarka dad gudaha Viladda jooga (Shaqaalaha Sarre ka mid ah arrinta gacan ku leeyihiin) gelidda iyo qorshe fulinta wax ka fududeeyeen,eeyna haboon tahay in arrinta baaritaan rasmi ah lagu sameeyo(qof jecleysi iy xaqiiqo daboolid-ba laheyn) sidoo kale waa in Xukuumadu xil weyn iska saartaa adkeeynta iyo xasiloonidda Caasimadda Qaranka iyo nabadgelyadda Muwaadiniinta, Weeraka madaxtooyadda,dilka Xldhibaanadda, Aqoonyahanka,Qarxiinta iyo Is-miidaamiinta soo badaneeysa waa dhaliil iyo masuuliyad darro weyn oo Madaxdda Sarre Qaranka iyo hey’adaha eey maamulaan masuuliyadeeda tooska ah leeyihiin(fadeexad iyo ceeb joogto ah ama waji gabax-ba la oran karaayo),balse muranka,khilaaf huriinta,qabyaalad buun-buuninta iyo daawashadda colaadaha iyo dagaaladda sokeeye ahamiyadoodu tahay taasoo micnaheedu tahay dayacidda iyo ka gaabinta gudashada xilkooda Qaran (ayaan darro iyo sumcad dhab-ba ku keentay),Dadweynaha Caasimada

ku dhaqan(Degan)ayaa nabadgelyo xumidda iyo karti daridda dowladda qeybtooda ku leh,lana oran karaayo waaba ka raali habkaas dibaatada, Dayaca,Masuuliyada xumidda iyo soo dhoweeysidda kuwa cadoowga Ummadda Ah (Kooxaha dembiilayaasha ah,suurta galna eey tahay in gacan,taageero iyo la shaqeyn-ba lala leeyahay)Ayaan Draro kale dheh.

weerar-madaxtooyo-7

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-

-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda,Midnimada Iyo Cadaaladda.

-Jully-09-2014.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles