Wasiirkii Hore ee Wasaarada Amniga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane.Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Waxa loo Magacaabay La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Dhanka Arimaha Siyaasada.
Wareegto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa Lagu Magacaabay Masuulkan,isagoona horey isaga Casilay Xilka Wasiirka Amniga Xukuumada Cabdiweli Shiikh Maxamed .
Dadka Siyaasada Saadaaliya ayaa magaabista Xilkaan ku Micneeyey ka dar oo dibi dhal,maadaama bay yiraahdeen uu Masuulkani Xil Hore uu ku Fashilmay.
Halkan Hoose Ka Akhriso Wareegtada Lagu Magacaabay Masuulkaasi.