Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Dowladda Puntland oo magacii Xerada 54-aad ugu magacdartay xerada General Maxamed Dirir(Sawiro).

$
0
0

Maanta oo ay taariikhdu tahay 3 bisha july 2014 waxaa xarunta  madaxtooyada puntlnad  ku shiray golaha wasiirada dawladda puntland waxaana ka soo baxay qodobadan

1,Madaxweynaha waxaa uu  ka war bixiyey safaradii  uu ku kala bixiyey dalalka  Imaaraadka ,Jabouti iyo Kenya  dawladda puntland  iyo dawlada isutaga Imaaradka Carabtu waxay wada gaadheen heshiisyo dhinaca ganacsiga,Horumarinta iyo hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha, Amaanka iyo la dagaalanka budhacad-bedeedda, Arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweynuhu wuxuu xusey in dawladda Imaaraadku ay diyaar u tahay in ay wax laqabtaan shacabka puntland ee ay  walaalaha yihiin.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu uga war-bixiyey golaha wasiirada kulankii uu la yeeshay madaxweynaha dawladda keyna Uhuru Kenyaata iyo xiriirka fiican  ee puntland iyo keynya ,Isagoo isla keenya kula kulmay diblumaasiyiin caalami ah  oo uu ka mid ahaa Danjire Nichols Key.

2,Mar’labaad waxay golaha xukuumadu ku  amreen  dhamaan laamaha amniga inay ka howl galaan bacda madow iyo daaha ,waxaana lagu wargalinayaa inaan cid gaar ah loo dayn  Karin masuul iyo shacabba

3,Ka dib geeridii  allah ha u naxariistee Max’ed dirir  oo dawladda puntland u aqoonsatay halyey ka geeriyooday shacabkeeda kuna dhex leh taariikh dheer,

Waxaa la badalay magacii xerada 54-aad  iyadoo  loogu magacdaray Marxuum General Maxamed dirir  loona bixiyey ( Xerada Ciidamada Maxamed dirir)  waxaana dawladdu daryeel  u  fidinaysaa agoontii uu ka tagay

4,Dawladdu waxay balan qaadey isbadal iyo cadaalad  xaga shaqaalaha ah waxaa  hadda ka dib shaqaalaha dawladda lagu soo xulayaa qaabka tartanka furan wixii ka hooseeya Agaasime guud ,mana jiri doonto in la qorto shaqaale cusub, islamarkaana  waxaa  mudnaan gaar ah la siinayaa  dadka qaba dulmiga soo jireenka ah sida beelaha la heyb sooco.

5,Sidoo kale waxaa maanta laga hadlay doorka siyaasada ee dawladda  iyo waxqabadka  xukuumada lixdii bilood ee la soo dhaafay ,waxaana la aqoonsaday in xukuumaddani ay tahay Dawladdii ugu horaysay ee la timaada qorshe sanadeed cad oo shacabku kula xisaabtamaan, isla markaana  gaadhay talaabooyin horumar leh marka loo eego mudadii 5’ta bilood ahayd ee ay Xukuumadani jirtay

6. Goluhu wuxuu war-biximo ka  dhageystay wasiiro shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa oo ay mid yihiin wasiirka qorsheynta oo jirey dalalka swedan iyo Kenya,wasiirka wax-barashada oo ku maqnaa dalalka Sudan iyo Brussels, wasiirka war-faafinta oo jiray gobolka garda-fuul, iyo wasiirka howlaha guud oo ka war-bixiyey halka ay wax u marayaan gudiga soo celinta hantida dawladda

Goluhu  markuu dhegeystay warbixinta laga keenay Gobolka Garda-ful Wuxuu balan qaaday in si dhakhso ah wax looga qaban doono baahida ugu muhiimsan ee dhinaca wadada isku xirta Caluula iyo Baar-gaal sidoo kale waxaa goluhu  amar ku bixiyeyin sida ugu dhaqsaha badan loo dayac tiro goobihii taariikhiga ahaa sida daartii boqor cismaan iyo goobaha kale ee taariikhiga ah ee puntland ku yaal.

Dhammaad.

IMG_0815

IMG_0763IMG_0764IMG_0773IMG_0774IMG_0776IMG_0779IMG_0806IMG_0809IMG_0810IMG_0812IMG_0818IMG_0819IMG_0820IMG_0821

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373