Ergeyga Midowga Yurub u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa Ka hadlay dilkii xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo maanta lugu dilay magaalada Muqdisho.
Ergeyga ayaa tilmaamay in falka lugu dilay marxuum Xeyd uu ahaa mid fulaynimo ah oo nabad-diidku ku ugaarsanayaan dadka hormuudka u ah bulshada Soomaalida.
Mr, Cervone ayaa intaas ku daray in dilalka qorshaysan ee ka dhaca Soomaaliya looga soo horjeedo nabadda iyo horumarka Soomaaliya, loona baahanyahay in wadajir looga hortago.
Wuxuu ka codsaday dowladda federalka ah ee Soomaaliya in ay ku dadaasho sidii ay caddaaladda u hor keeni lahayd kuwa caadeystey dilka dadka aan waxba galabsan.
Ergeyga midowga Yurub u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Maxamuud Xeyd.