Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Maydka wiil Falastiini ah oo laga helay Bariga Qudus.

$
0
0

Booliiska Israa’iil ayaa helay maydka wiil da’yar oo falastiini ah, kaas oo laga afduubtay xalay bariga Qudus.

Dadka deegaanku waxa ay sheegeen in ay arkeen Maxamed Abu Khadir, oo lagu khasbayo in uu galo gaadhi, wax yar un kaddib markii la aasay saddexdii da’yarta ahaa ee Israa’iiliyiinta ahaa kuwaas oo laga afduubtay laguna dilay, daanta galbeed ee la haysto.

Booliiska Israa’iil waxa ay sheegeen in dilkan uu noqon karo aarsi.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay dilka arrin fool xun.

Waxaa bilowday isku dhac, isku dhacaasina wuxuu u dhaxeeyaa dhalinyaro falastiiniyiin ah oo dhagaxaan tuuraya iyo booliiska Israa’iil oo ridayo sunta dadka ka ilmaysiisa iyo xabado caag ah.

Waddooyinka ayaa la xidhay, qaar ka mid ah Falastiiniyiintuna waxaa ay burburiyeen goobaha ku yaall waddooyinka hareeraheeda ee ay dadku ku sugaan gaadiidka dadweynaha ama siyaabo kala duwan ugu hakadaan.

barigaQudus

 

Source:-BBC.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles