Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Xabsiga Weyn ee Magaalada Garoowe oo qarka u Saaran in uu Xirmo.

$
0
0

Xog Hoose oo aanu helnay  ayaa sheegeysa in Xabsiga wayn ee cusub ee magaalada Garowe uu qarka u saarantahay inuu xirmo kadib markii ay la soo gudboonaadeen xaalado dhaqaalo xumo.

Xabsiga magaalada madaxda dowlada Puntland oo la furay 02 April, 2014, ayaa ka mida xabsiyada ugu wayn geeska Geeska Afrika uguna casrisan Somalia, dhaqaalihiisa ayaa waxa iska kaashaday Midowga Yuurb, Norway iyo Australia waxana lacagta la soo marshay Hay’adda UNODC halka UNOPS fulisay dhismaha iyadoo lagu qiyaasay kharashka ku baxay in ka badan Afar Million oo Doolar.

Dhismaha Xabsiga ayaa ka kooban qaybo loogu talo galay in lagu xiro burcad badeeda laga soo wareejiyo xabsiyadda shisheeye, maxaabiista danbiyada ka gashay gudaha Puntland, taliska xarunta ciidamada Asluubta iyo dugsiga tababarka ciidanka Ilaalada xabsiyada Puntland.

Xabsiga oo ku yaal duleedka magaalada Garowe ayaa lagu xiriirshay laynka korontada oo ay bixisay Hay’ada UNODC kumanaan kun oo Doolar, waxana xogtu shegeysaa in shirkadda Korontada ee NEC ay saacadeedu soo saartay habeenkii lacag dhan 400 Doolar taasoo sababtey in la joojiyo isticmaalkeeda.

Kadib joojinta isticmaalka korontada ka imaaneysay magaalada, maamulka xabsiga ayaa  u wareegey iney isticamaalaan “Generator” kaas oo shidaalkii ku baxayey dowladda Puntland bixin kari wayday tasoo ah 30 fuusto bishii.

Wararka ayaa sheegaya in hay’daha UN ay diyaar la yihiin iney bixinayaan kharashka ku baxaya cuntada maxaabiista, waxbarashada maxaabiista iyo cafimaadkooda dhinaca kale dowlada Puntland waxaa laga rabaa mushaharaadka ciidamada ilaalinaya xabsiga iyo boqolkiiba sideetan shidaalka baxaya halka kharashka dayactirka looga fadhiyo xukuumada.

Xogta ayaa dhinaca kale sheegeysa in Madaxweynaha dowladda Puntland uu xabsiga cusub u sixiixey kharash lagu daboolo baahiyaha joogtadda ah ee xabsiga taasoo wararku xusayaan in laga waayey lacagtaas wasaarada Maaliyada.

Caqabadaha aan kor ku soo xusnay ayaa horseedi kara in xabsiga albaabada la iskugu laabo islamarkaasina dib loogu noqdo kii yaraa oo hore looga soo guuray gudaha magaalada Garowe.

Dhanka Dowladda Puntland ayaa looga fadhiyaa farogelin deg deg si aanu u istaagin hawsha xabsigu dibna loogu noqon kii hore.

07 April, 2013 ayaa garoonka diyaardaha magaalada Galkacayo lagu toogtay laba sarkaal oo ka tirsanaa hay’adda UNODC taasoo saameyn ku yeelatay shaqadii ay hay’addu ka waday gudaha Puntland.

Sidoo kale madaxda UNODC ayaa ka niyad jabay baxsashadii laba maxbuus oo ku xirnaa xabsiga Bossaso kuwaasi oo ay hay’addu ka soo wareejisay jaziiradda Sychelles.

IMG_5425


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles