Gaalkacyo : Booqashadaani uu Sh.Muxamed Macalin Axmed ku booqday
Ardayda wax kabarata Dawrada ay Munadamada Beder ee Ardada kabaxday
Machadka Al-Faaruuq kawado Magaalada Gaalkacyo laguna Qabtay Jaamacada
Bariga Afrika (Gaalkacyo) ayaa waxaa ku weheliyay Maamulaha Machadka
Al-Faaruuq Sh.Cilmi Yuusuf Axmed , Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj
ee Dacwada iyo Horumarinta Ustaad Muxamed Maxamuud Ciise , iyo Xubno
kale oo Mu’asasada katirsan.
Ujeedka Booqashada Sh.Muxamed Macalin ayaa waxaa ay ahayd sidii uu
Waano iyo Dardaaran ugusoo jeedin lahaa Ardada uguna dhiiri galin
lahaa inay sii wadaan Barashada Diinta oo aysan ku ekayn Dawradaan oo
kaliya.
Sh.Muxamed ayaa waxaa uu ardayda uga waramay Faaidada iyo Fadliga
dheeriga ah ee Barashada Diintu ay leedahay waxaana uu sheegay in
Qofka uu Alle khayrka la doono uu fahansiiyo Diinta iyada oo Barashada
Diintuna ay tahay Wadadii loo marayay Fahanka diinta.
Dawrada oo ay ka faaidaysanayaan Rag iyo Dumarba ayaa waxaa Sh.Muxamed
Macalin uu aad ugu dheeraaday WaanadaGabdhaha oo ah Hooyooyinka
Mustaqbal , islamarkaana ah Tirada ugu badan ee Ardayda ka
faaidaysanaysa Dawrada.
Dawrka Dhaliyarada kaga aadan u gargaarida Diinta Alle iyo Fidinteeda
ayuu Sh.Muxamed Macalin ku dhiiri galiyay inay kasoo dhalaalaan oo ay
u gutaan si qurux badan ayna ku daydaan Dadkii ka horeeyay iyada oo
kaalinta Dhalinyarada kaga aadan u gargaarida Diinta Allana ay
iskugusoo biya Shubanayso in Dhalinyaradu :-
• Ay Cilmiga Shareecada Bartaan.
• in ay ku Dhaqmaan Cilmiga ay Barteen.
• in ay ka fogaadaan Khilaafka iyo kala taga Dadkana ay ugu digaan.
• in ay ku dadaalaan isu soo dhawaynta Quluubta Dadwaynaha Muslimiinta ah.
• in ay Dadka caawiyaan ayna Wanaaga faraan Xumaantana ugu digaan.
• in ay aad ugu dadaalan Dadka inay Dacwada u gaarsiiyaan Qof , Qof.
• in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Dacwada Diinta Islaamka.
iyo kuwo kale oo fara badan.
Si kastaba ha ahaateen Booqashadaani uu Sh.Muxamed Macalin ku tagay
Dawrada ka soconaysa Jaamacada Bariga Afrika ee ay ay qabanayso
Munadamada (Urur) Beder ayaa waxaa uu qayb ka yahay Hawlo Dacwo oo
Shiikhu uu u joogo Magaalada Gaalkacyo.
Cabdiraxmaan Bilaal Caad (Sanka).