Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa xilalka ka qaaday taliyihii ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo abaanduulihiisii, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi, isagoo saraakiil cusub u magacaabaya.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu xilalkan u kala magacaabayo, Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo noqonaya taliyaha ciidamada xoogga Somalia iyo Jen. C/llaahi Cismaan Cagey oo loo magacaabay abaanduulaha ciidamada xoogga.
Goor-dhow ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu ku dhawaaqo magacaabidda labada taliye ee cusub ee loo magacaabay xilalka taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo ku xigeenkiisa.
Lama oga sababta keentay in madaxweynuhu uu xilka ka qaado labadan mas’uul oo sannadkii hore uu u magacaabay, iyadoo tani ay imaanayso xilli madaxda dowladdu ay dhawaan sheegeen inay isbedel ku sameyn doonaan hoggaanka ciidamada iyo hay’adaha amniga iyo garsoorka.
Qaban-qaabada ku dhawaaqista taliyeyaasha cusub ee ciidamada xoogga dalka ayaa hadda socota, iyadoo wararka laga helayo saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegayaan in tani ay qayb ka tahay isbedel lagu sameynayo taliska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Caanood iyo Cagey ayaa waxay horay u ahaayeen taliyeyaasha guutooyinka labaad iyo saddexaad ee ciidamada xoogga dalka, balse waxaa xilalkaas ka eryay taliyaha hadda la bedelay, iyadoo saraakiishan ay qeyb weyn kasoo qaateen dagaalladii lala galay Al-shabaab.
Dad badan ayaa rumeysan in labadan sarkaal ay isbedel ku keeni doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo haatan mararka qaarkood loosoo jeediyo dhaliilo ay ka mid yihiin inay ka qaybgalaan dagaallo beeleedyo gobollada dalka qaarkood ka dhaca.