Maleyshiyaadka Sunniyiinta ah ee ka dagaallamaya dalka Ciraaq, ayaa qabsaday warshadda shidaalka sifeysa ee dalkaasi ugu weyn ee lagu magacaabo Baiji, taasoo ku taalla Waqooyiga Baqdad.
Warshada ayaa tobankii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ku dagaallamay fallaagada iyo ciidammada dawlada.
Warshada ay jahbada gacanta ku dhigtay ayaa sifeysa saddex meelood meel shidaalka Ciraaq, waxaana ay qabsashada durbadiiba keentay in la tashiilo shidaalka dalkaasi.
Afhayeen u hadlay fallaagada ayaa sheegay in warshadda shidaal sifeynta ee Baiji, oo ku taalla gobolka Salaxuddin lagu wareejin doono qabaa’ilka deegaanka si ay u maamulaan.
Waxa uu intaa ku darray in duulaanka ku aaddan caasimadda Baqdad uu sii socon doono.
Weriyaha BBC-da Jim Muir oo ku sugan magaalada Irbil ee Waqooyiga Ciraaq, ayaa sheegaya in qabsashada warshadda ay muhiim u tahay fallaagada, si ay usii xajistaan goobaha ay qabsadeen, ayna shidaal u gaarsiiyaan magaalada Mosul.
Fallaagada kacdoonka wada ee ay hormuudka ka tahay jabhadda Daacish ayaa qabsaday dhul ballaaran oo Waqooyiga iyo Galbeedka ka xiga caasimadda Baqdad, ayna ku jirto caasimada labaada ee Mosul.
Waxa ay hadda food ku yihiin biyo xireen muhiim ah oo u dhow magaalada Haditha, iyaga oo haatan ay gacanta ugu jiraan dhammaan soohdimaha ay Ciraaq la wadaagto Suuriya iyo Urdun.