Waxaa caawa kadib Qaadka si caadi ah loogu cuni doonin goobaha ay isugu yimaadaan muqayiliinta ee dalka Britain, maadaama waqtigii loo qabtay uu ku egyahay 12:00am ee saacada Britain.
Baarlamaanka Britain, ayaa billo ka hor go’aamiyay in Britain laga joojiyo Qaadka wixii ka dambeeyo 22-ka bishaan aanu ku jirno ee June, wixii ka dambeeyana waxaa dalkaasi looga aqoonsan doonaa daroogada heerka 3-aad ah.
Abuukar Cawaale oo ka mid ah Jaaliyada Somaliyeed ee London ku nool, ayaa wuxuu ka shaqeeyay, sidii Qaadka looga joojin lahaa dalka Britain, taa oo kolkii dambena uu ku guuleystay.
Abuukar Cawaale wuxuu sheegay in ruuxii lagu qabto isagoo ka ganacsanaaya Qaad uu muteysan doono xarig dhan 14 sano, iyadoo ruuxii cunaaya oo lagu qabto uu sheegay in marka hore loo diggi doono, marka xigana lagu ganaaxi doono 60 Pound oo lacagta Britain ah, marka 3-aadna uu mudan doono 2 sano oo xarig ah.
Haweenka Soomaaliyeed ee degan Britain, ayaa ammaan iyo bogaadinba u jeedinaaya Abuukar Cawaale, dadaalka uu ku bixiyay sidii Qaadka looga joojin lahaa Britain.
Waxaa jira Qoomiyada kale oo ku nool dalka Britain oo sida Somalida oo kale dhaqan u leh cunista Qaadka, iyadoo inta badan Qaadka Britain la keeno, looga iib keeno dalka Kenya.
Qaadku waa dhir marqaan kiciye ah, iyadoo dadka ay ka helaan dheecaan qofka ka dhigga mid fir fircoon, laakiin baaritaano lagu sameeyay Qaadka, ayaa waxaa lagu ogaaday in maandooriye uu ku laban yahay.