Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Saddex ka tirsanaa Alshabaab oo lagu dilay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud.

$
0
0

Saraakiisha ciidanka dowladda ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in xalay ay dileen saddex ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab, oo soo weerartay saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmada Ceelbuur.

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Ceelbuur, Maxamed Kaahiye Caraale oo Warbaahinta La Hadlay ayaa sheegay in jab xooggan ay gaarsiiyeen kooxda Shabaab ee weerarka soo qaaday, ayna  kala wareegeen hub ay ka carareen.

Wuxuu tilmaamay in maleeshiyadu ay horey usii qaadatay dhowr kale oo ka dhaawacmay.

Maxamed Kaahiye ayaa xusay inay hayaan meydadka saddexda ay ka dileen maleeshiyada soo weerartay saldhigga.

Wuxuu tilmaamay in dhankooda wax khasaare ah uusan soo gaarin, ayna ku raad joogaan maleeshiyada Alshabaab ee weerarka soo qaaday.

ceelbuur2


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373