Waxa maanta magaalada Garowe lagu soo dhaweeyay Dr.Cali Macow Aweys oo ka mid ah dhaqaatiirta qurba joogta ee ka shaqaysa dalka Jarmarka.
Maamulka Garowe,wasiiro iyo dadwayne kale oo aad u faro badan ayaa Dr.Macow soo dhawayntiisa ka qayb galay kuwaasoo muujiyay inay ku faraxsan yihiin in Dhaqtarkani uu markii ugu horaysay Puntland yimaado.
Duqa Garowe Cabdicasiis Nuure Cilmo ”Koor”ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahan in Dr.Macow uu Puntland yimaado isla markasna addeef caafimaad oo lacag la’aan ah ka bilaabo.
Dr.Macow oo dhankiisa hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inay farxad galinayso sida diirran ee loogu soo dhaweeyay magalada Garowe wuxuna tilmaamay inuu dalka ka maqanaa 45-sano.
”Waxan aad ugu faraxsanahay sida la iigu soo dhaweeyay magalada Garowe run ahaantii horay uma arag sida la iisoo dhaweeyay,waxan kusoo talo galay in Puntland joogo mudo saddex bilood ku dhow oo aan barnaamij caafimaad ka bilaabo”.
Xarunta ugu wayn ayuu sheegay inuu ku rajo wayn yahay inuu ka dhigo magalada Garowe isla markasna uu kasoo guuro Dalka Jarmarka oo uu ku lee yahay Isbitaal wayn.
Waxauu sidoo kale sheegay inuu ku taqasusay caafimaadka guud balse si gaar ah uu xooga u saray xanuunada wadnaha.