Wiil Soomaali Canadian ah oo uu adeer u yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa wuxuu ku biiray Xoogaga Islaamiyiinta ISIS ee ka dagaalamaaya dalka Ciraaq.
Jariirada CBC , ayaa waxay baahisay muuqaal uu si weyn uga muuqanaayo Faarax Maxamed Shirdoon, oo baraha Internetyada soo dhigtay ISIS.
Muuqaalka, ayaa waxaa ka muuqanaaya Faarax Maxamed Shirdoon oo dab qabadsiinaaya Basaboorkii uu ka heystay dalka Canada, kuna hanjabaaya inay u socdaan sidii ay Canada u wiiqi lahaayeen.
Faarax wuxuu ku soo barbaaray Magaalada Calgary ee dalka Canada, iyadoo uu wax ka bartay Machadka Teknoolojiyada ee Albert (Alberta Institute of Technology).
Qoyska Faarax Maxamed Shirdoon oo weli baaqi ku ah Magaalada Calgary, ayaa waxay walaac badani ka muujinayaan, sida uu wiilkoodu u noqday mid maskaxda laga xaday, uguna biiray Islaamiyiinta mayalka adag.