Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Ansixiyey guddiga dib u eegista Dastuurka.

$
0
0

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meelmariyay guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo shir guddoominayay kulanka baarlamaanka ayaa  ka codsaday xildhibaannada in si deg-deg ah loo ansixiyo guddigaas.

Kulanka baarlamaanka ee lagu ansixiyay guddiga ayaa waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan.

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 29-kii bishii May ansixiyay guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka oo ka kooban 5 xubnood, kuwaas oo ay soo gudbisay wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka.

images


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles