Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ciraaq oo Codsi udirtey Maraykanka.

$
0
0

Dowladda Ciraaq ayaa Mareykanka ka codsatay inuu ka kaalmeeyo dhanka cirka dagaalka ay kula jirto kooxda suniyiinta ah ee jihaad doonka ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Mareykanka, oo lagu magacaabo General Martin Dempsey, ayaa xaqiijiyay codsigan ay Ciraaq soo gudbisay, balse sarkaalku muusan sheegin in Mareykanka uu aqbalay codsiga laga dalbaday iyo in kale.

Madaxweyne Barack Obama ayaa weli eegaya codsiga.

Obama waxa uu ka fakarayaa fursadaha milateri ee u banaan, waxa uuna la kulmayaa madaxda Congress-ka iyo golaha amniga qaranka.

Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka, Jay Carney, ayaa sheegay in aanay haatan jirin ciidan Ameerikaan ah oo la geyn doono dhulka Ciraaq.

Waxuuna intaasi raaciyay in Maraykanku uu eegayo danihiisa ammaanka qaranka ka hor inta aanu tallaabo qaadin.

140619034115_iraq_america_624x351_afp_nocredit

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles