Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Puntland oo Somaliland Beesha Caalamka uga Ashtakootay.

$
0
0

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu muujiyay in ashtako laga yahay mamulka Somaliland oo tobanka bishaan duulaan kusoo qaaday Degmooyinka Xingalool iyo Taleex.

Afar qodob oo uu ka koobnaa qoralkan ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan Puntland u dulqaadan doonin weerarada iyo duulaanka qaawan ee dhanka Somaliland ka imaanaya kasoo fursad siinaya kooxda Alshabab oo buuraha Galgala ka dagaalama.

”Waxay dawladda Puntland la socod siineysaa beesha caalamka in maamulka Somaaliland uu duulaan qaawan ku soo qaadey 10 june, 2014 degmooyinka Taleex iyo Xingalool oo ka tirsan dhulka Puntland”.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in duulaanka Somaliland ay ku barakaceen qoysas Soomaliyeed oo deganaa Taleex iyo Xingagool balse Masuul ka tirsan saraakiisha Somaliland oo maanta BBC la hadlay ayaa sheegay inaysan raali ka noqon doonin in shir lagu qabto xaduudaha Somalilnad.

Xildhibaan Cali Khaliif Galayr iyo siyaasiyiin kale oo Taleex ku sugnaa ayaa saakadii hore ka baxay waxayna ku sugan yihiin sida goobjooge Taleex jooga sheegay 80-Km meel u jirta degmada Taleex.

Xalada Taleex ayaa wali kacsan ,maadama ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin Gudaha Magaalada Taleex.

15-ka bishii April ayay ahayd markii ciidamo Somaliland ka socda ay soo galeen gudaha magalada Taleex iyadoona aysan wax isku dhici ahi uusan ka dhicin halkaasi isla markasna ay markii danbe deegaanka isaga baxeen.

Dowladda Gaas ayaa wali si cad uga hadlin tilabada ay ka qaadi doonaan duulaanka cad ee Somaliland ay ku samaynayso deegaano ka tirsan Puntland.

Taariikhda markii ugu horaysay ayay ahayd markii madaxwayne Somaliland ah uu socdaal ku tago magalada Laasqoray oo Puntland ka tirsan,iyadoona Jawaabtii ay Puntland ka bixisay dadku ku sheegeen inay tahay mid aan lagu qancin.

Dr.Gaas oo doorashada ku galay in Laascaanood uu dagaal kusoo celinayo ayaa hada u muuqda inuu ku guul daraystay inuu wax ka qabto duulaanka lagu soo qaaday deegaano hor leh oo dhulka Puntland ka tirsan.

madaxtooyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles