Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar ayaa waxa loo dhisayaa Golle Deegaan oo ay Degmadu Yeelato.
Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Waaciye ee Xarunta Nabada iyo Horumarka Gobolka Karkaar ayaa Waxa laga dareemayaa Dhismaha Gollaha Degaanka ee Degmada.
Isimada ,Waxgaradka iyo Weliba Siyaasiyiinta Deegaanka Degmada Waaciye ayaa Waxay ku Mashquulsan yihiin Soo Xulista Golaha ka mid noqoya Xubnaha Gollaha Deegaanka Degmada Waaciye.
Gaacshe Maxamed Axmed(Gaacshe Garweyne) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Puntland ayaa Warbaahinta Raadreeb.com u xaqiijiyey in Heer gabogabo ah ay marayso Soo Xulista Xubnaha ka mid noqonaya Golaha Deegaanka Degmada Waaciye.
Xildhibaan Gaacshe ayaa Hoosta xariiqay in ugu dameyn Golaha Deegaanka Degmada Waaciye lagu Dhawaaqi Doono Taariikhtu marka ay ku Beegan tahay 20-06-2014,isagoona sheegay inay ku rajo weyn yihiin Dhismaha Golaha Deegaanka,maadaama buu yiri ay Degmadu ka mid tahay Degmooyinka Qadiimiga ah ee Deegaanada Puntland.
Sida Sharcigu yahay ayaa Waxa Golaha Deegaanka degmadu soo dooran doonaan Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa iyadoona uu Gudoomiyuhu Soo Magacaabi doono inta ka dhiman Maamulka Degmada Sida Xoghayaha , Madaxa Maaliyada ,Madaxa Caafimaad iyo Weliba Madaxa Isportiska Degmada.
Degmada Waaciye waxa ay ka mid tahay Degmooyinka Puntland uu Horumarka ka sameeyey Dhanka Amniga iyo weliba Kaabayaasha Dhaqaalaha.