Bayaan ka soo baxay dowladaha ku midoobay NATO ayaa lagu shegay in mudo kordhin loo sameeyay Ciidamada la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ee ku sugan Biyaha dalka Soomaaliya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah ay sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa sanadka 2016 oo mudada loo kordhiyay ay ku egtahay.
NATO ayaa xustay in sanadkii 2012 Burcad badeeda Soomaalida ah ay gacanta ku dhigeen 24 Markab halka 129 weerar oo ay qadeena Burcad badeeda Soomaalid ahna la diiwan galiyay, iyagoo sheegay in sanadkii 2013 aysan jirin hal markab xitaa oo galay gacanta Buracad badeeda Soomaalida ah ee ka qowlaysata Biyaha Soomaaliya.
NATO ayaa howlgalka lagu dagaalamayo Burcad badeeda Soomaalida ka bilowday Biyaha Soomaaliya bishii August sanadkii 2009, kaas oo shegeen in la gaaray guulo la taaban karo sida in Burcad badeedii laga sifeeyay Biyaha Soomaaliya lakiin wali qatartooda ay tahay mid aan la dhalyal san Karin.
Ciidamada midowaga Yurub ee Biyaha Soomaaliya ka wada dagaalka ka dhanka ah Buracad badeeda Soomaalida ah ayaa gacanta ku dhigay Buracad badeed badan oo Soomaali ah kuwaas oo Maxkamado lagu soo taagay dalka dibadiisa.