Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo dawo ugu deeqday isbitaal Degmada Buraan.

Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah dawo gaarsiiyay isbitaalka deegaanka Buraan ee gobolka Sanaag.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Jibriil oo deeqda daawada ah wakiil uga ahaa wasaaradda ayaa ku wareejiyey maamulka deegaanka Buraan.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dawada la gaarsiiyo meelihii loogu talagalay, isla markaana ay muhiim tahay in si hufan loo maamulo.

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Buraan Bootaan Cumar Bootaan ayaa xusay in ay aad u soo dhoweynayaan deeqda ay soo gaarsiisay wasaaradda, taas oo uu sheegay inay wax badan ka tari doonto baahida jirta.

Mas’uuliyiinta maamulka deegaanka ayaa dhowaan waday olole ay ku codsanayaan in dawooyin la soo gaarsiiyo isbitaalka.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
download


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles