Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu Soomaaliya usoo magacaabo safiirkii ugu horeeyay oo uu usoo dirayo dalka waxii ka dambeeyay sanadkii 1991 markii dalka ay ka bilowdeen dagaalo sukeeye.
Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha siyaasadda Wendy Sherman oo ka hadashay Machadka Nabadda ee ayaa sheegtay in Obama dhowaan uu magacaabi doono safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Waxay sheegtay in arintaasi laga doonayo si loo sii xoojiyo xiriirka dibloomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal, iyadoo sheegtay in xafiis iminka ay ku leeyihiin dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Ms Sherman ma aysan sheegin shaqsiga madaxweyne Obama uu soo magacaabayo laakiin waxay sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo magacaabayo safiirka dowlada Mareykanka ee Soomaaliya.
Safiirka cusub ayaa la sheegay in saldhigiisa uu noqon doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wendy Sherman waxay sheegtay inay ku rajo weyn tahay maalinta ay labada dal si buuxda u soo ceshan doonaan xarumahoodii diplomaasiyadeed ee ay ku kala lahaayeen labada caasimadood.
Cutubkii Madoobaa ee dowlada Mareykanka ayaa ahaa markii sanadkii 1993 dii meydadka askar American ah lagu jiijiiday wadooyinka magaalada Muqdisho kadib dagaalkii dhexmaray ciidamada Mareykanka iyo ciidamadii Maxamed Faarax Ceydiid, kaasi oo ku jiray liiska dadka Mareykanka uu doon doonayay.
Kumanaan dad shacab Soomaali ah iyo 18 askari oo American ah ayaa ku dhintaan dagaalkaasi.