Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Nicholas Kay: Hala dardargeliyo Nabadda iyo dowlad-dhisidda”

$
0
0

08-28-2013nicholaskay-300x250Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa u soo jeediyay Soomaalida inay dardargeliyaan horumarka laga gaarayo nabadda iyo dowlad-dhisidda.

Danjire Nicholas Kay ayaa hadalka ka sheegay xaflad loo samaynayay sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii la furay xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in dhammaan madaxda Soomaalida iyo hay’adaha dowladda ay u midoobaan sidii loo gaari lahaa danta guud ee Soomaaliya, isagoo xusay in ay jirto shaqo badan oo u baahan in la qabto inta aan la gaarin sanadka 2016.

Nicholas Kay ayaa sheegay in taageerada caalamiga ee lagu bixiyo nabadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya ay hagi doonto mabaadi’da lahaanshaha, hoggaanka Soomaaliyeed iyo dhowridda dastuurka kumeel-gaarka ah.

Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxaa aasaasay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 3-dii June ee sanadkii 2013, waxaana loo xilsaaray inuu dowladda Soomaaliya ku taageero ajendaheeda ku aaddan nabadda iyo dowlad-dhisidda.

Qaraar uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo tirsigiisu yahay 2158 (2014) ayaa cusbooneysiiyay xilka UNSOM oo hal sano oo dheeraad ah ku kordhiyay 29-kii bishii May ee sanadkan 2014.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles