Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Odayaashii Muqdisho ka tegay ee Hargaysa ku sugnaa oo sheegay in Maamulka Somaliland u ka Madaxbanaan yahay Soomaaliya inteeda Kale.

$
0
0

Mamulka la magac baxay Somaliland oo mudo 23-sano ah raadinayay gooni isu taag ayaa waxay u dabaal dageen qaar ka mid ah Odayaal Muqdisho ka tagay oo xalay sheegay Somaliland inay ka madax banan tahay Somalia inteeda kale,

Odayaashaan oo haatan ku sugan Hargeysa ayaa markii ugu horeysay sheegay inay aqoonsadeen Somaliland oo haatan wixii ka danbeeya ay tahay dal kale oo madax banana.

Suldaan Cabdicasiis Suldaan Beyle oo horkacaya Odayaasha Koonfurta ee ku sugan magaalada Hargeysa ayaa ayaa Saxaafada u sheegay in hadii ay yihiin Odayaasha Muqdisho ay Somaliland siiyeen madaxbanaanidoodii oo ay u ogolaadeen in Soomaaliya ay ka go’do.

“Anagoo Odayaashi Koonfurta ah,waxaana u fasaxeynaa Somaliland midnimadooda iyo qaranimadooda kana go’aan Soomaali weyn inteeda kale,si Soomaalida ku dhaqan Koofurta ee dagaalada diloodeen wax u taraan,” ayuu yiri Suldaan Beyle.

Ku dhawaad 100-Odayaal dhaqameed oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa ku sugan Somaliland,kuwaasi oo sheegay inay halkaasi u tageen kala warqaadashada waxgaradka Somaliland iyo waliba inay waayo aragnimo ka soo helaan hormarka ay gaareen Shacabka maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Siilaanyo ayaa isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabada 18-ka May wuxuu sheegay in beesha caalamka ay ka sugayaan aqoonsi madax banaani ah isagoona wax aan dhici Karin ku tilmaamay in Somaliland dib ula midowdo shacabkii horay kaga go’een.

Odayaashan Muqdisho ka tagay ee Somaliland aaday ayaa socodkooda waxaa saluug ka muujiyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiyadda mucaaradka kuwaasoo sheegay iny wadaan howlo ka dhan ah jiritaanka Somaliland.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inaysan aqbali doonin wada hadalka DF iyo Somaliland maadama uu yahay mid labadaasi dhinac ku kooban.

DSC_0094

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369